Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo oo soo bandhigtay furitaanka Simisterka cusub 2011/2012
13/03/2012

Munaasabad ka dhacday xarunta jaamacada Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay simisterka cusub ee 2011-2012, munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qayb-galay odayaal, culummo, ururrada bulshada rayidka, dhalinyarada iyo haween.

Malaaq Maxamed Macallin Caliyow oo ka hadlya munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb-galo madal loogu hadlayo waxbarasho. "Ninkii waxbarta isaga ayay anfaceysaa... aniga wax ma baran - balse caruurteyda ayaan wax barnay iyagana way nasteen aniga waxbay i tareen, haddaba haddaan nahay odayaasha dhaqanka waxaan balan-qaadaynaa in caruurteenna aan jaamacadda keenno si iyagoo jooga gurigooda wax u bartaan."

Waxaa kaloo munaasabadda ka haday abwaan Maxamed Xasan Cusmaan (Canjeex) isagoo soo jeediyay sugaan uu ku cabiriyay nuxurka iyo faa’idada ay aqoontu leedahay iyo dhibaatada uu jahligu leeyahay.

Waxaa kaloo ka hadlay munaasabadda, Dr Maxamed Cabdi Cali (Bidaar) oo ku hadlay magaca maamulayaasha dugsiyada sare ee gobolka Bay ahna maamulaha dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Model School wuxuuna sheegay inay sanad walba soo saaraan ardey kasoo baxdo dugsiyada sare ayna yihiin ardeyda ay u diyaarinayaan jaamacadda.

Gabagabadii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay hormuudka jaamacada Koonfurta Soomaaliya, Dr Maxamed Cali Axmed (Kalaay) ayaa si cad ugu sheegay xubnihii kasoo qaybgalay munaasaddaasi inay ay bilaabayso jamaacadda simistarka cusub.

"Ujeeddada loo qabtay munaasabadan waa in wada-shaqeyn ay dhex-marto walaalidiinta iyo maamulka jaamacadda," ayuu yiri Dr Kalaay oo intaa ku daray in sanadkan cusub ay jaamacadda kusoo kordhin doonaan kulliyado cusub oo uu sheegay in qorshaheedu uu socdo.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.