Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Hooyadda Uurka leh iyo xanuunka Sonkorta ama Macaanka. By Dr Abdifatah Ahmed
01/04/2012

Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yidhaahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.

Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.

Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa suurtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo Ilmahaba.

Dhibaatooyinka Ilmaha:


•    Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarta iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay.
•    Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay Ilmaha ku sababtaa in uu si xad dhaafa ugu weynaado Uurka hooyadda:
•    Sambabada cunugga oo si ayar ah u kora
•    Khatar horay u dhalid
•    Khatar dhaawac inta dhalidu socoto
•    Hoosayn sonkorta dhiigga oo Ilmuhu  marku dhasho
•    Khatar ilmaha uurka ku dhinta

Dhibaatooyinka hooyada:

•    Hadday hooyadu si xun u kontroshay ama u  sonkorowga Uurka ka hor oo dhibaato ka soo gaadhay indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socod.
•    Gariir iyo miyir doorsoom ayaa aad caan ugu ah. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta.
•    Haddii Ilmuhu wayn yahay oo keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in lagaga dhaliyo. Tani waxay hooyada sii gelinaysa khatar.

Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcaan?


•    Inta uurku socdo, jidhkaagu wuxuu u baahan insulin (dheecaanka Miisaama sonkorta dhiiga) badan, khaasatan saddexda bilood oo ugu dambaysa.Waxaa jira dhowr sababood oo keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ku jira: Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
•    Adiga cuna cunto ka badan qorshahaaga cuntada
•    Cunida cunto sonkorta ku badan tahay ama karbohaydraytku ku badan yahay
•    Qaadasho la''''''''aan daawo kugu filan (insulin)
•    Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin)
•    Walaac
•    Hurgun/cudur
•    Helitaan la''''''''aan jir-dhis ku filan

Waxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sabata keenta saraynta sonkorta dhiigga.


Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?

Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad u fiirsato sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.

Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka sarayso 120, saddex cisho ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii,waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaagii ama kalkaalisadadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa.

Maxaan Sameeya Markaan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tirto cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii beri oo ugu sameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraqadaha aad ku kaydisya sonkortaads.

U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta.

Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga.

•    Raacida qorshahaaga cuntada
•    Qaadashada insuliinka sidii lagu faray
•    Baadhitaanka sonkortaadu iyo xafidaad jawaabaha
•    Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha
•    La xiriirida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga.
•    Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.

Fadlan La soco qaybaha dambe.

By Dr Abdifatah Ahmed

Augsburg Germany.

kaliil_10@hotmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Fowziya “ Dhalinyarada oo shaqo loo abuuro waa horumarka Dalka
26/11/2013
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUN
10/11/2013
SIMINAAR 6 MAALMOD SOCDAY OO MANTA LAGU SO GABAGABEYEY DAGMADA AFGOOYE
23/10/2013
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.