Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Daryeelka Ubadka Qeybta 1-aad. Caarif Sayid-Cali Xaaji Mayow
02/04/2012

HORDHAC

Marka hore waxaa mahad balaaran iska leh allaah subxaanahu watacaalaa oo ina khalqay nagana fadilay makhluuqaadka kale,isla markaana noo sakhiray waalidiinteena,kuna sharxay quluubtooda inay sida ugu wanaag noogu barbaariyaan.
Intaa kadib:

Cinwaankani oo aan u bixiyay Daryeelka Ubadka wuxuu ka koobnaan doonaa lix(6) qeybood oo waaweyn(six parts).

Sedexda(3-da) qeybood ee ugu horeeyo waxaan kaga hadli doonaa inshaa Allah “HEERARKA KORSIIMO EE UBADKA UU MARO INTA LAGU GUDA JIRO SHANTA SANO UGU HOREYSO NOLOSHIISA”.

Sedexda(3-da)qeybood oo kalana waxaan kaga warami doonaa “CUDURADA UGU BADAN EE KU DHACA CIYAALKA DA’DOODA KA HOOSEYSA SHAN SANO”.

Hadaba waxaa xusid mudan in mowduucan uu muhiimad gaar u leeyahay Hooyooyinka,sababtana waxa weye waxaa laka maarmaan ah in Hooyo walba ay si wanaagsan ula socoto caafimaad ubadkeeda, warbixintanna waxay Hooyadu ku saacideysaa inay kala garato mise aqoon ay u yeelato in ciyaalkeeda uu caafimaad qabo iyo in kale.

Sidoo kale wuxuu muhiimad u leeyahay dadka ka shaqeeya caafimaadka(Health workers),iyo ardayda barata caafimaadka (medical students)gaar ahaan kuwa jecel inay ku takhasusaan ciyaalka (pediatricist).

Sidaa awgeed waxaan rajeynayaa inaad si wanaagsan uga faa’ideysan doontaan cinwaankan taxanaha ah.

HEERARKA KORSIIMO EE UBADKA UU MARO INTA LAGU GUDI JIRO SHANTA SANO EE UGU HOREYSO NOLOSHIISA

QEYBTA 1-AAD(PART ONE):

•    Bal eeg ubaxan yar ay nafsadaadu jeceshahay sida ay noloshiisa u bilaabmeyso iyo sida uu u dhowlacadeynayo.

•    Bal eeg ubaxan qaaliga ah sida uu u bilaabayo gurguurashada kadib socod kadibna hadal.

SANADKA 1-AAD

BISHA 1-AAD:

Ciyaalka markey dhashaan miisaankooda wuxuu gaarayaa kudhawaad sedex kiilogaraam(3 kg);
Dherarkoodana wuxuu gaarayaa konton sintiimitir(50 cm).

waxay luminayaan inyar oo miisaankooda kamid ah maalmaha hore ee dhalashadooda, balse kuma sii nagaanayaan inuu hoos u sii dhaco kahor dhamaadka todobaadka 2-aad.

Kadib wuu sii kordhayaa miisaankooda in ku dhow dhow 150---250g. Ubadka markey marxaladan ku jiraan waxaysan u dulqaadan Karin waxyaabo faraban kuwaa oo ay wanaagsan tahay in laga ilaaliyo waxaana kamid ah:

•    Ileyska(iftiinka):ciyaalka ma karaan inay kala qaadaan indhohooda markay lakulmaan iftiinka caadiga ah,sidaa awgeed waxaa laga yaabaa in hadii laga dhowri waayo ileyska inay dhibaato fara badan oo dhanka araktida ah ku keento.

•    Codka dheer(qaylada):maalmaha hore si wanaagsan wax uma maqlaan laakin hal todobaad kadib waxaa furma maqalkooda marka haduu maqlo qaylo yar wuu ka baqanayyaa inkastoo aanu awood u yeelan Karin inuu u jilicsado halkuu codka kayimid, hadii aan qaylada daran laga ilaalinin waxaa laga yaabaa inay dhibaato ku keento mustaqbalkiisa dambe(psychological problems).

Isla bishan waxaa la arkaa inay kala saari karayyan waxa qaraar iyo waxa macaanba(t.s: oo hadii aad siiso wax dhadhan leh way ogolaanayaan waxa qaraarna way diidayaan).

Balse waxaa aad ugu adag inay wax dareemaan iyo inay wax uriyaan.

Saxradoodana waa madow mise akhdar balse si aayar ayey isu badalaan oo waxay noqdaan Huruud(jaalo) kahor inteysan dhaman todobaadka hore.

Waxyaabaha kale oo caanka ah oo dhici karo bishan waxa weye inay hurdaan inta badan waqtigooda illaa inay gaajo soo toosiso mooyee.

BISHA 2-AAD:

Waxaaa kordha miisaankooda wuxuuna gaaraa Afar kiilogaram(4 kg);balse wax dherar oo bishan u kordhayo majirto,wuxuu bilaabayaa dhowla cadeyn oohintiisana way isbadaleysaa(Hooyadu way kala garan kartaa in markuu ilmihu ooyo inuu doonayo naas/caano iyo inay wax kale ku dheceen),
Dabayaaqada bisha aanu ku jirno mararka qaar waxaa wanaagsan in loo sameeyo sharaab fudud.

BISHA 3-AAD:

Miisaankooda ayaa isbadala wuxuuna noqdaa afar iyo badh kiilogaram(4½ kg)dherarkoodana wuxuu gaarayaa ku dhawaad 60 sintimiter(60 cm).

Bishan markay gaaraan waxay aad ugu farxaan midabada soo jiidashada leh sida midabka casaanka,sidoo kale wuxuu bilaabayaa inuu ku ciyaaro waxayaabaha ay ciyaalku ku ciyaaraan waa hadii aad siiso laakin isaga ma karayo inuu qabsado.

BISHA 4-AAD:


5½ kg ayuu gaarayaa miisaankooda,waxayna bilaabayaan inay ujilicsadaan halka looga yeero, waxayna sidoo kale la raacayaan araktidooda dadka ku hareereysan iyagoo awood u leh inay isu rogrogaan hadba dhinaca ay doonayaan iyagoo aan la caawin.

BISHA 5-AAD:


Culeyskooda waxaa ku kordha Hal kiilogaraam(1 kg) taa oo ka dhigeysa labo laab inta ay ahaayeen xiligii ay dhalanayyeen; waxayna isku dayayaan inay qabsadaan wax yaabaha ku hareereysan si ay ugu ciyaaraan, waxayna sidoo kale waxay awood u yeelan karaan inay kala gartaan waalidiintooda iyo dadka ku dhawddow xitaa waxay aqoonsan karaan masaasada caanaha lagu siiyo.

Caarif Sayid-Cali Xaaji Mayow




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Fowziya “ Dhalinyarada oo shaqo loo abuuro waa horumarka Dalka
26/11/2013
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUN
10/11/2013
SIMINAAR 6 MAALMOD SOCDAY OO MANTA LAGU SO GABAGABEYEY DAGMADA AFGOOYE
23/10/2013
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.