Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Arday Soomaaliyeed oo guul weyn u soo hooyey dadkiisa iyo dalkiisa.
09/04/2012

Arday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Xuseen Feyte ayaa guul weyn u soo hooyey ummada Soomaaliyeed meel kasta ay joogto ka dib markii kaalinta kowaad uu ka galay jaamacad ku taala dalka Yemen.

Ismaaciil Xuseen Feyte ayaa kaalin kowaad ka galay imtixaan laga qaaday ku dhowaad boqol arday oo ka kala socotay dhowr dal isla markaana wax ka baranayey kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Sayniska iyo Technology-ga ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Munaasabad loogu dabaal degayay ardayda ka qalin jebisay kuliyaddaas oo lagu qabtay Sanca ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda tacliinta sare ee dalka Yemen iyo maamulka Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Xuseen Feyte oo ah ardayga Soomaaliyeed ee kaalinta koowaad galay ayaa warbaahinta u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha uu ka gaaray waxbarasho oo uu muddo lix sano ah ku guda jiray, isagoo intaas raaciyay in guushan uu gaaray ay tahay mid u soo hooyatay ummadda Soomaaliyeed isla markaana aysan isagu kaliye ku koobneyn.

Ardaygan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale tilmaamay in uu guushan ku gaaray deddaal badan oo uu sameeyay inta uu ku guda jiray waxbarashada kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolojiyada ee magaalada Sanca.

Kuliyadda caafimaadka sanadkan waxaa qalin jebiyay lix arday oo Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ahaa arday u dhashay dalka Yemen iyo arday ka socotay dhowr dal oo kale.

Ismaaciil Xuseen Feyte ayaa sheegay in uu dalkiisa Soomaali ku noqon doono, isla markaana uu doonayo in aqoontiisa dhanka caafimaadka uu uga faa’ideeyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.