Beesha Macalin Wayne oo Ugaas cusub ku caleema saaratay degmada Luuq ee gobolka Gedo. 14/04/2012
 Munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabiyeen isla beeshaasi Macalin Wayne ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey wax garad aad u badan kuwaasi oo dhamaantood u hanbalyeynayey Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa noqonaya inta aan ka warqabno Ugaaska ugu da’ yar ugaasyada Somaliyeed ee lagu boqray gobolada koofureed.
Munaasabadda caano shubka Ugaaska ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyasraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay aad ula dhaceen dadkii kasoo qaybgaly munaasabada waxaana halkaasi sidoo kale ka hadlay maamulka degmada Luuq iyo saraakiisha dawlada waxaana dhaman ay sheegen in ay la shaqayn doonaan ugaaska.
Ugu danbaytii, waxaa munaasabadda ka hadlay Ugaaska lagu caano shubay ee Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, waxaana ugaaska uu halkaasi ka jeediyey qudbad aad u dheer taasi oo u badnayd mahad celin.
Isku soo wada duuboo, waxaa soo kordhayey wayadaan danbe ugaaso cusub oo kusoo kordhaya dhanka dhaqanka Soomaaliyeed.
 
 

| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|