Xarakada Al Shabaab iyo Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose oo dayactir balaaran ku sameeyey keydka biyaha ee degmada Janaalle. 18/04/2012
 Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo Beeraleyda gobolkaas oo iskaashanaya ayaa dayactir balaaran ku sameeyey keydka Biyaha degmada Janaalle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday degmada Janaalle ayaa xariga lagaga jaray mashruuca Keydka biyaha ee Janaalle kaas oo ay ku guuleysteen in ay dib u howl geliyaan.maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Sh/Hoose iyo Beeraleyda gobolkaas
Keydka Biyaha Janaalle ayaa wuxuu faa’ido u yahay Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose si ay uga faa’ideystaan xilliga webiga uu guro ama biya la’aan uu noqdo markaas loo la isticmaali doono.
Gudoomiyaha Xarakada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Sh. Maxamed Abuu Cabdalle oo ka hadlay munaasabada ayaa yiri: "Keydkan biyaha ee aad ujeedaan waxaa ladhisay xiligii dowladii Talyaaniga muddo 30-sano kabadan wax dayactir ah mahelin hey''''adihii gaalada ee gobalka joogay dhowr mar ayay been u sheegeen beeralayda,markii aan qiimeynay qarashka ku baxaya wuxuu naqday inkabadan 100,000 oo Dollar laakin markii wilaayada iyo Beeralayda iskaashadeen oo qalab iyo shidaal aan isku geynay waxaa nooga baxay wax aan ka badneyn 20,000 Dollar"
Dhinaca kale, maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wada howl dayactir balaaran loogu sameynayo kanaal weyn oo ku yaala gobolkaasi, iyadoo howlaha dib loogu dayactirayo kanaalada iyo keydadka biyaha ay aad u soo dhoweeyeen shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose.







| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|