Maxaad Ka Taqaan Magaalada Buulamareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose,Taariikh iyo Ganacsi 19/04/2012
 Magaalada Buulamareer waxay kamid tahay magaalooyinka dhismay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre.
Buulamareer waxay u dhaxaysaa magaalada Marka iyo deegaanka Gol-weyn oo hodon ku ah tacabka beeraha gaar ahaan Muuska iyo sisinta.
Booqasho aan dhawaan ku tegay Buula-mareer ayaan isku dayay in aan waxbadan ka ogaado ganacsiga Buulamareer iyo halka uu dhaqaalaheedu ku tiirsanyahay.
Mid kamida Odayaasha magaalada oo nasiib uyeeshay in uu noolaado tan iyo markii ay Buulamareer magaala naqatay ayaan ka wareystay arrimo badan.
Ugu Horeyn degmadan waa degmo Istitaariiji ah waxayna kamid tahay sedaxda magaalo ee wilaayada Shabeelaha Hoose ugu weyn Marka,Baraawe iyo Buulamareer waa magaalooyinka ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee wilaayada waxaa kale oo jira dad badan oo ku nool webiga Jiinkiisa.
Magaalada Buulo ama Buulamareer waxay magaalada Muqdisho ujirtaa inkabadan 125 KM waa magaalo ganacsiga ku wanaagsan ugu yaraan 8KM ayay magaaladu ku fadhidaa waxay ka koobantahay 5 xaafadood oo aad u ballaaran.
Waxay leedahay dhismayaal qurxoon waxaana mara wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jubbooyinka.
Nabadoon Xasan Cismaan Ciirlaawe ayaa iiga waramay taariikhda Magaalada wuxuuna sheegay in magaalada xilligii siyaad Barre ay dowladdu aad uciriirisay magaalada sababtoo ah waxay dooneysay in Buulo aysan dumin degmooyinka Gol-weyn iyo Kunturwaarey oo saraakiisha Kacaanku deganaayeen.
Ganacsiga.
Buulamareer waxaa magaalo ganacsi waxaana badeecadahooda isugu keena beeralayda iyo xoolalayda gobalka.
Magaaladu waxay leedahay Warshado lagu sameeyo cabitaanada Barafka,Biyaha Nadiifka ah iyo kuwa kale oo alaabta jiifka sameeyo.
Ganacsade Xasan Maxamed Kulane Xaaji Suuley waa gudoomiyaha ganacsatada Buulo wuxuuna magaalada ku leeyahay ganacsi aad ukala socda Wuxuuna sharaxaad ka bixinayaa Ganacsiga bulaalaya ee degmada.
Beeralayda iyo xoolaleyda Buula Mareer waxay wallaac ka muujiyeen dhibaato ay dowladda Turkiga ku heyso ganacsigooda kadib markii ay Turkigu bilaabeen dhoofinta xoolaha dhiddiga ah khaasatan lo''''da.
Daahir Calasoow Hiraabe oo kamid ah xoolaleyda Buulamareer ayaa ku Eedeeyay Turkiga in ay xagaldaacin ladamacsanyihiin horumarka shacabka Soomaaliyeed maadaama ay xaalufinayaan xoolaha oo kamid ah hantiyada ay ku tashadaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.






Xigasho: Somalimemo.net
| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|