Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Maxaad ka taqaan faa’iidooyinka ay timirtu leedahay?
24/04/2012

Sida ku sugnaatay xadiiska saxiixa ah oo nebiga laga soo weriyay (NNKH) « ninkii cuna todoba xabo oo timir ah subaxdii ma dhibayo maalintaas sun iyo sixir midna ».

Timirtuna waxay leedahay Faa’iidooyin fara badan oo ay ka mid yihiin:-

1. Waxay hoos u dhigtaa Colistrolka dhiiga, waxayna ka badbaadisaa qofka in xididadiisu adkaadaan, iyadoo ay ku jirto maadada Albaktiin la yiraahdo
2. Ilkaha waxay ka ilaalisa suuska iyadoo uu ku jiro maadada faloorka la yiraahdo
3. Waxay ka ilaalisaa korka sunta iyadoo ay ku jirto madooyinka kala ah : Calcium, Foosfor iyo Vitamin A
4. Waxay daaweysaa dhiig yarida, (anemia) waxaana ku jira Bir, nuxaas, Vitamin B2
5. Waxay daaweysaa timirtu curyaanimada iyo lafa jileeca iyadoo ay ku jirto Calcium, Foosfor iyo Vitamin A
6. Wax ay ufurtaa dadka cuntada, xusuus yarida waa daaweysaa iyadoo ay ku jirto Bootaasiyom
7. Tabar darida guud bay daaweysaa iyo wadna garaaca iyadoo ay ku jirto timirta Macnisium iyo Nuxaas
8. Waxay daawo u tahay romatisamka iyo kansarka maskaxda iyadoo ay ku jirto maadada Boroon la yiraahdo.
9. Waxay ka hortagtaa kansarka iyadoo uu ku jiro maadada silinyam, waxaana la ilaaleeyay in dadka dega waadiyada timirtu ka baxdo, in aanay aqoon cudurka kansarka
10. Waxay ka difaacdaa xiidmaha adag cudurka kansarka, iyadoo ka hortagta cudurka baawasiirka, iyo dhagaxa fariista xiniinyaha.
11. Waxay fududaysaa uurka, dhalmada iyo dhiiga nifaaska iyadoo ay timirta ku jiro maadooyin sokor ah oo aad u kaalmaysa dheefshiidka
12. Tabar darida raganimada ayey daawo u tahay iyadoo ay ku yirto Yooroon iyo Vitamin A
13. Haraga adkaada ayey daawo u tahay, iyo isha guraxeeda markii uu dhacaanku ka dhamaado, iyo indha habeenada iyadoo ay ku jirto Vitamin A.

Sida ku cad warbixin ay soo saartey hay’ada Cefa Jannaayo 2008, waxay ku sheegtay in Somalia ay ka bixi karto timirta nooca ugu sareeya markii ay ku tijaabiyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka bari, hase yeeshee aanu dadku u soo jeedin beerashada timirta, oo ay ka doorbidaan in ay ku iibsadaan kilo timir ah 40 kun Sh.so, oo oo ah timirta laga keeno saxaraha carabta oo dhibta lagu beero:- Ilaahow na garansii.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.