Abwaan Axmaddeey waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhawaan ku dhaawacmey qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaanna isagoo dhaawac ah uu haatan ku dayacan yahay magaalada Muqsisho. Ugu horeyn inta aanan wax ka xusun suugaantiisii, waxaan walaalaha Soomaaliyeed ka codsanayaa inay u gurmadaan Abwaanka oo ay u fidiyaan taageero hiil iyo hooba leh.

Masawirkaan waa Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan oo ka mid ah abwaanadda Soomaaliyeed ee xagga Heesaha Banaadiriga ayaa waxuu nasiib daro ka mid noqday dadkii sida xun ugu dhaawacmay qaraxii bishaan April 4-teedi ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada Soomaaliya (Somali National Theatre.)
Axmaddeey Cabdi Gaashaan oo dadka qaar ay ugu yeeraan LAASHINKA! waa abwaanka ugu horeeya dhica suugaanta banaadiriga, waxaana uu ku caan baxay soo bandhigidda Ruwaayadihii ugu Caansanaa dhinaca banaadiriga, kuwaasoo xambaarsanaa murti waafi ah iyo erayo culus oo tayadoodu aad u sarayso, qofkasta oo dhegaystana aanu marnaba ka caajisin.
Dad fara badan oo aad u jecel fanka Soomaalida, waxaa ay ku raaxaystaan ama maqlaan heeso aad u macaan, hase yeeshee marnaba isma weydiiyaan, Cidda ama abwaanka ay murtidaas ka soo maaxatey, sidaa awgeed ayaa waxaan jeclaystay inaan wax idinka xusuusiyo heesihii iyo ruwaayadihii uu Abwaan Axmaddeey Cabdi Gaashaan (LAASHINKA) uu ku farayareystey ama maskaxdiisa ka soo burqaday, kuwaasoo maqalkoodu dhegihiina ay aad ugu badnaayeen.
Xusuuso: Ruwaayaddii CUDUR IYO CAASHAQ KEE CULUS? Waxaa ka mid ahaa erayada ah: Afartaan ayaamood aawadaa aan u ordaa sidii anyax abaareed, udgoon badaneey ii imoow! ii imoow! ogol ii ahaaw ii imow! Waa ku arkay waa ku aanshaqee aad waddaa mana kaa ajiibaa! Waxaa ku wada luqayn jiray: Aways Khamiis Cabdalla iyo Madiina Cabdi Cali. Sidoo kale Ruwaayaddaan Cudur iyo caashaq kee culus? Waxaa kimid ahayd heesta ah: Faynuustii qalbigaygiyeey faa,iidaystayeey markaad farahayga soo gashee! Faraxay ii tahay fiidkaan! faraxay ii tahay fiidkaan! waxaa iyana ku luqayn jiray Axmaddeey Abuubakar iyo Siteey Qosol Wanaag.
Xusuuso: Ruwaayaddii caanka ahayd ee SHAN IYO TOBANKII SHUMEEY! Shumac ka nuur badaneey Shaambeey Dahab! Shumeey yaa Shumeey! Aways Khamiis iyo Madiinna Cabdi Cali, erayadaas iyo kuwo kale oo badanba waxay ka mid ahaayeen Shan iyo tobankii shumeey!.
Xusuuso: Ruwaayaddii kale ee caanka ahayd ee SHIMAALLA! shimaalla waxay ka mid ahay Ruwaayadihii loogu jeclaa waqtigii berisamaadka, taasoo uu ku fara yareystay abwaanka LAASHINKA!.
Xusuuso: Ruwaayaddii Caan baxday ee KIBIRKII BEERTAA KARFAN-SAAREY JACAYLKA! Ruwaayaddaan waxay ahayd ruwaayad aad looga daba dhacay, taasoo lahayd erayo iyo heeso xiisa badan. Waqtigu ma waaree waligaa ogoow! ninba waayihiisaa wallo loo tumaa! Wareerka waqtgaa keenayeey! keenayeey! waxaa erayadaas kuwada luqayn jiray Maxamed Aadan Shamuuri iyo Madiinna Cabdi Cali! Meel libaax soo galay lo ma joogaysee! waa la kala leexiyaa Liin iyo Caanno waxaa iyana ku wada luqayn jiray Aways Khamiis iyo madiina Cabdi Cali.
Ma aha wax qoraal lugu soo koobi karo murtida iyo suugaanta uu ilaahay hibada u siiyay Abwaan Axmaddeey Cabdi Gaashaan, hase yeeshee qormadaan gaaban waxaan oga gol leeyahay inaan wax ka xuso suugaantiisa, dadweynahana aan u ifiyo inuu yahay Abwaan kaalin heer sare ah ku leh murtida iyo Suugaanta Soomaaliyeed, isla markaanna uu yahay Abwaan dhamaanteen naga dhaawacmay oo haatan ku dayacan yahay magaalada Muqdisho.

Daahir.F. Afdheere
Email: gulan1969@yahoo.co.uk