Sharaflow Gashaan, oo Qiblow Salaan Sharaf badan, Shuushka ka hayana Ilaahey hakoo Shaafiyo’’.
‘’Shabley Sharaf ayaa laka dheelee,wal shuutooyee , wal shurubee’’. Laakiin; ‘’Shirqool dilow Shakhsigii ku shoobow shalaay ayaa kuu danbeeyo’’
Ilaahey wuxuu yiri bini Adaamka waa karaameyney, Ustaad Axmadeey Cabdi Gaashan, waa ruux EBBE karaameyey. Qofkii ruux Ilaahey karaamey uu midab takoorana , waa qof EBBE ka furtey oo munaafuqoowey. XADKA munafuqiinta ay leeyihiina EBBE waa cadeyey. Sidaa Awgeed Dawlad ku meel gaar ah oo qabiilka caqiida u ah, Musuqmasuqa mabaadii u ah, Lalauushka diin u ah, kutumasha xuquul insaanka caado u ah; markeeda horeba xaraan ayaa lagu dhisey wax xalaal ah Malaga sugeynin.
Dawlada Barakacayaashi raashinkooda dhacdey, kufsina ugu dartey, Dawlad Deeqihi waxbarasha ka xarimtey ardayda ka soo jeeda gobolada koonfureed, Dawlad Darajooyinka sar sare ka mamnuucdey wax garadka ka yimid Gobolada koonfureed, Maka sugeynin in ay u gargaarto Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan.Waa Dawlad go’aansatey in tirtirto, luqadeena, dhaqankeed,Suugaanteed si ay u boobto dhulkeen Barqwaaqada ah.
Qowmiyada kale oo dhibka nagu hayo waxaa ka daran kuwa Annaga naga mid ah oo Digil iyo Mirifle ah Dawlada ku jiro, aana damqaneynin dhibaatada Ummadooda heysato, ayagoo noqdey, Khaadimiintii , adeegayaal iyo dalaaliin Qabiilda kale ayagoo Jaran-Jaro ka dhiganaayo lafaha Ummadooda si u kasbadaan darajo Aduunyo, Waxaan ku waaninayaa Shakhsiyaad noogu Jiro Dawlada ku meel gaar ah in ay toobad keenaan ayna ka damqadaan dhibatada Ummadooda heysata.
Muslim waa wadanahey, Soomaalina waan wada nahey, Bal ii sheega qaabkan MAY iyo MAHATIRE hal dawlada u wada sameysan karaa, 1960 ilaa hadeer Ummadeeni Dulmi ba’an baa laguu hayaa.
Diinta waxey qabtaa Qof Muslim ah, hal GOD laba mar mas maku qaniino, Xaalada Soomaaliya waxey mareysaa tii 1960.
52 sanno ayaa Ummadeena gumeysii qabiil iyo isirtakoor ay ku jiraan waxaan balan qaadeynaa in ay mar danbe dhaceynin.52 sanno ma ogolaan karno xaalku sida tan i uu ku socoto.
Dadkeena markey tageen Puntland iyo gobolda kale waa loo diidey in guryo dhistaan ama hanti ku yeeshaan. waxaa loola dhaqmey sida xoolohii oo kale, Meedey Somalinimaadi la sheegey?. Reer Puntlaand iyo Gobolada dhexe markey yimadaan goboladeena, wax alaale waxey doonaan ay ka sameeyaan waa: Teyda anaa leh taadina kula lihi taasi too socomeyso ma ahin. Hada waxii waxii ka danbeeyo qofkasta iyo deegaankiis.
Aduun weynha waa u sheegey ,talana aan ku soo jeedinyaa .,Maadaama Dawladii Saldanadda Geledi iyo Gasare Gude uu Taliyaniga xoog ku maquuniyey in la soo celiyo loona aqoonsado Dawladahaas 6 gobol ee Kingdom of Geledi and Gasare , taasi taarikhda ayey ku qoran tahey , Ummadaas mar horeba dawlado ay ahaayeen hadana xaq bey u leeyihiin boqortooyadooda soo nooleeyaan.
Digil iyo Mirifle Guud ahaan waxaan ka codsanayaa in taageeraan fikradaan.Waxaa Ummadeyna in ay dhaqan galiyaan, Luqadooda, dhaqankooda iyo Taarikhdooda.
Salaadiinta Geledi iyo Gasar gude waxey ahaayeen kuwo ilaalin jirey xuquuqda aadamaha, Waxey deganaasho siin jireyn shaqsiyaadka la soo dulmiyey,waxaay magan galyo siyaasadeed siin jireen dadka la soo bahdiley, ka hor inta Europe iyo America aysan gaarin Xadaarada.
Dawladaha Digilmirfle waxaa Burburiyey Gumeysiga Taliyaniga iyo Qabaa’ ilo kale Soomaaliyeed oo isbahestey oo Dhaxalsiiyey Dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirto.
Wabilaahi Altowfiiq
Eng Saalax Sh. Cismaan.