Madaxwynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta warqabaddiisa aqoonsiga ka guddoomay safiirka dowladda Iran u soo magcowday Soomaaliya, isagoo madaxweynaha uga mahad celiyay in dowladda Iran ay ku soo biirto dowladdaha Soomaaliya safaaraddaha ku leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan safiirka Iran ka guddoomin warqaddihiisa aqoonsiga waxa uu la qaatay kulan gaar, kaas oo ay uga wada hadleen xiriirka dowladdaha walaallaha ah ee Soomaaliya iyo Iran, iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Intaasi kaddib madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah uga guddoomay Makel Hussein Givzad safiirka cusub ee dowladda Iran u qaabilsan Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyay safiirka in magaalada Muqdisho uu yimmada, isla markaana uu noqdo safiirka Iran ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Makel Hussein Givzad oo haddal kooban jeeddiyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, sida wanaagsan ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu soo dhaweeyay dalkiisa iyo sida uu uga oggallaaday aqoonsiga safiirnimo, isagoo xusay in magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii horre, hasa yeeshee magaalada uu ka jiro isbaddal xooggan oo ay muujisay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Shafiir.
Sidoo kale safiirka Iran ayaa madaxweyne Sheekh Shariif ku ammaanay isbaddelka Horumarka leh ee uu ka sameeyay dalka gaar ahaan caasimadda, isagoo haddal kiisa ku soo gabagabeeyay in sannadka soo socda Soomaaliya uu u rajeynayo Horumarka ka wanaangsan midka hadda ka muuqanaya.








