Kulan balaaran oo Beesha Tunni si weyn u soo agaasintay ayaa ka soo qaybgaleen Culima’udiin Odey dhaqameedyo, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro iyo Haween ayaa ka dhacay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sida Beesha Tunni Door Muhiim ah uga yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliya ee Waqtiga kala Guurka.
Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi oo ah Suldaanka beesha Tunni oo ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle ee dega Gobolka Shebeelaha Hoose oo lahaa qabanqaabada kulankan, waxaana dadkii kulanka goob joogga ka ahaa oo dhan ay taageero u muujiyeen Suldaanka.”Haddii aan wax walba loo hurin badbaadinta Soomaaliya, maanta waxaa la joogaa heerkii ugu dambeeyay oo ay dhici karto in Khariidadda dunida laga tiro Soomaaliya haddii aan Qarannimada dib loo soo celin,” ayuu yiri Suldaanka oo sheegey in
halgankii SYL ay beesha ka ahayd Hormuud isagoo sheegey in ay ku lahaayeen laba xubnood oo kala ah Cabduqaadir Sakhaawadiin iyo Maxamed Cismaan Baarbe maanta loo baahan yahay in Beesha ay Hormuud u noqoto Samatabixinta Ummadda Soomaaliyeed.
“Adduunka wuxuu la yaaban yahay dad isku Diin ah, isku Dhaqan ah islamarkaana isku Midab ah in ay is dilaan waxaana taas ugu wacan isu tanaasul La’aanta waxaana uga bixi karnaa dhibkaas iyadoo la isku tanaasulo isla markaana si wanaagsan ugu dhaqano Diinta Islaamka”waxayna Beeshu sheegtey in ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagta iyadoo waxgaradkii iyo siyaasyiinta goobta ka hadlay ay iyaguna soo jeediyeen in si aad ah loogu dadaalo sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.
“Waxaa la joogaa kaalintii Suldaannada waa inay iska eegaan waxa la doonayo in la soo hordhigo oo dastuurka ah, waana inaad ogaataan halkii Soomaali aad geysaan ayaa noqonaysa meesha la dagayo,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo kulanka ka hadlay oo intaa sii raaciyey “Xiligii Gumeysiga waxa Ingiriisku Odayaashii Xiligaa jirey u soo jeediyey in dadka ay Bixiyaan Canshuur hase yeeshee SYL ayaa ku hanjabtey in Ciddii Canshuur Gumeysiga siisa la dili doono waxay markii dambe Odoyaashii raaceen Go’aankii SYL marka maanta waxay taagan xiligaas waxay Odoyaasha soo qaadaan bay Shacabkuna qaadanayaan”
Sidoo kale, waxaa hadlay Col. Yuusuf Cali Cagey oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan weligiis arkin goob ay ku shirsan yihiin beesha Tunni, wuxuuna dhallinyaro iyo Odoyaasha ka dalbaday inay dhexda u xirtaan sidii ay Soomaalida uga dhaqi lahaayeen dhibaatadii soo martay.
Waxgarad iyo Salaadiintii kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay ka hadleen dhibaatada dalka soo martay iyagoo ugu baaqay Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii lagu soo celin lahaa nabdda iyo dowladnimada Soomaaliya muddo dheer kaddib islamrkaana ay isu Tanaasuli lahaayeen.


