Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Wadamada ee WFP
06/05/2012

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha gargaarka iyo kuwa bini’aadanimo sidii wax looga qaban lahaa.

Kulanka kadib ayaa waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay Wasiirka Qorsheynta Cabdulaahi Goodax Barre oo sheegay in mas’uuliyiinta ka socota  hay’add Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ay ka wada hadleen xaaladda gargaar iyo xilliga lagalayo ee xilli roobeedka ah islamarkaana ay barakacayaasha xaaladooda isbedeli doonto iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay roobabka geysan karaan.

Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP ayaa aad uga mahadceliyay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso hay’adda iyo dowladda KMG Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda aysan ka shaqeynin oo kaliya Cuntada balse ay ogyihiin shacabka Soomaaliyeed balse hadda waxaan xukuumadda ka wada hadalnay xaaladaha gargaarka iyo sidii loo xoojin lahaa gargaarka shacabka Soomaaliyeed iyo inagoo ka gaashaamaneyno xilli roobeedka soo socdo si aysan wax dhibaato ah ugu geysan barakacayaasha.

Dhinaca kale  wuxuu tilamaay in hay’adda WFP ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan kuwaa oo aan aheyn cunada oo kaliya islamarkaana ay sii jibaarayaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa tilmaamay in hay’adda WFP iyo Xukuumadaba ay ka wada shaqeynayaan hormarinta arrimaha gargaarka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed.

- DHAMAAD -




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.