20 arday Soomaaliyeed ayaa shahaadada Master Degree ka qaatay jaamacado kala duwan oo ku yaala Dalka Suudaan.
Ardaydan ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa warbarashadooda Jaamacada Master Degree ee bilowgii bishan May.
Qaar ka mid ah ardaydaas ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay dhameystaan Master Degree Jaamacadeed, iyagoo xusay in ay iminka dareemayaan in uu cilmi badan u kordhay.
Muddooyinkii ugu dambeeyay dalka Suudan waxaa ku soo badanayay ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabineysa Jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla waddankaas.