Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
ISKU DAY DIL LAGU SAMEEYEY SULDAAN FAQI SACID FAQI, SULDAANKA TUNNI .
07/05/2012

Jaaliyadda Somaliyed ee Waqooyiga Ameerika waxey aad iyo aad uga soo horjeedaa una Cambaareyneysaa fal Argagaxiso iyo Isku day dil oo lagu sameeyey SULDAAN FAQI SACID FAQI SULDAANKA BEESHA TUNNI SHAN GAMAAS IYO SHAN TOORE looguna geystey Qolkii uu ka deganaa Dugsiga Tababarka Boliiska Muqdisho halkaas oo ay dejisey UNPOS iyo Dawladda Somalia.

Waxaa Suldaanka Qolkiisa ugu gashey Haweeneey la yiraahdo LUULEEY oo ka mid ah Xildhibaanada Digil & Mirifle uga jira Baarlamaanka KMG ee waqtigiisa dhamaanaaya bisha Agosto 2012 iyadoo wadata Ciidan Boliis ah oo hubeysan , kuwaaso qori caaraddiisa uga soo saarey Suldaanka Qolkii uu jiifey, jir dilna ku sameeyey Dhaqankaas sida sharciha ah loo dejiyey madashaas uuna ku mathalaayey Beeshiisa.

Haddaba Somalida Qurbajoogta Waqooyiga Ameerika waxey si toos ah Baaqaan cambaareynta ugu direysaa Beesha Caalamka , Qaramada Midoobey, Dawladda Somalia, Wadamada Daneeya arrimaha Somalia, Duubabka Somaliyed iyo inta ku abtirsata Nabadda , cadaaladda iyo dhaqankii suubanaa ee soo jireenka u ahaa Somalia.

Arrintaan foosha xun oo leh argagaxa iyo fal dembiyeedka cad waxaa mas''uul toos ah uga noqon doona Taliyaha Ciidanka loo xilsaarey sugidda amaanka Madasha ay beesha caalamka dejisey Dhaqanaka Somaliyed, haddii ay taasii dhacdeyna waxaan shakki ku jirin iney khatariyo halis ay ku jiraan dhaqanka halkaas lagu soo xareeyey oo aan haba yaraatee lagu aamini karin Ciidan Somaliyed iney sugaan amaanka dhaqanka mar haddii Madaxdii Ciidamada ay si toos ah u fara gashteen arrimaha Siyaasadda gurracan ee ka socotey Somalia laga soo bilaabo 1990kii , lana rabo hadda in wax laga qabto.

Somalida Qurba joogta ee Ameerikada Waqooyi iyo Qaaradaha kale waxey codsanayaan in baaris deg deg ah oo dhab ah lagu sameeyo arrintaan, lana hor-keeno cadaaladda ciddi yeelato mas''uuliyadda falkaan islamarkaasna Nabad Sugidda Madashaas laga wareejiyo Boliiska loona wareejiyo AMISOM maxaa yeeley waxaa caddaatey in Boliiska uu ku jiro Siyaasad amarna ka qaataan Xildhibaano doonaayo iney ku soo noqdaan Baarlamaanka dambe oo keesanaaya Dhaqan Bug ah.

Ummadda Somaliyed waxaan ku wargelineynaa iney Isha ku haayaan waxa ka socda Madasha Shirka iyo isku dayada ay sameynaan Madaxda TFGda iyo Ciidamada amaanka si ay u afduubtaan Geedi socodka Shirkaan , una soo noqdaan iyagoo u adeegsanaaya awood ciidan, lacag laaluush ah iyo musuq maasuq nooc kasta uu ahaadoba.

MAHADSANIDIIN

Dr Sheikh Cumar 

Guddoomoiyaha Jaaliyadda Ameerikada Waqooyi




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.