Munaasabad lagu sagootinayay toban arday oo deeqo waxbaro ka Helay wadanka Yeman ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo waalidiin.
Xafladan lagu sagootinayay ardayda deeqaha waxbaro ka heshay dalka Yeman ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarasha hidaha iyo tacliinta sare, xildhibaano iyo waalidiin ayaa Lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Agaasimaha waaxda tacliinta Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ka hadlay Munaasabada lagu sagootinayay ardayda ayaa uga mahad celiyay Dowladda yeman oo ugu deeqday waxbarashada ardayda gaaraysa Toban kuwaas oo ay uga deeqeen in si lacag la’aan ah ku dhigtaan jaamacaha dalkaasi.
Sidoo kale xildhibaan C/qaaliq C/llaahi Xamza oo hadal u jeediyay arday Ayaa kula dardaarmay in ay si wanaagsan wax u bartaan kana faa’ideystaan fursadaha waxbarasho si ay u Anfacaan dalkooda iyo Dadkooda isagoona u mahadceliyay dowladda Yeman.
Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa horey ugu Guuleysatay in ay waxbarsho ugu dirto arday Soomaaliyeed wadamada Suudaan, Yeman, Maleesiya iyo Turkiga kadib markii deeqo waxbarsho Oo lacag la’aan ah ay ka heshay dowladda Soomaaliya.