Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
TAARIIKH-NOLOLEEDKA LAASHIN AXMADEEY CABDI CALI GAASHAAN. QEYBTII 1-AAD.
11/05/2012

Laashin Axmed Cabdi Cali oo loo yaqaano Axmedey Cabdi Gaashaan wuxuu ku dhashay sannadku markuu ahaa 1948kii Tuulada Cumar Beere oo 10km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Afgooye. Laashinku wuxuu ka dhashay qoys beeraley ah oo nolol dhexdhexaad ah ku nool. Aabbihii waa beer-qore caan si aad ah looga yaqaan tuuladaasi isla markaasna waa Dhakhtar dhaqameed daaweeya carruurta.

Odey Cabdi Cali wuxuu kaloo ahaa nin xaafidul quraan ah oo tuulada uu ku noolaa aad looga qaddariyo wuxuuna xilliyadiisa firaaqada ah ee uusan hayn hawlaha beeraha qodi jiray waraha biyaha ay ka cabbaan dadka iyo duunyadaba. Waqtigan xaadirka Axmadey aabbihii wuxuu ku leeyahay deegaanno ka tirsan tuuladaasi laba warood oo haatanba laga biyo cabbo, sida Warta loo yaqaano War Al-baab iyo Warta Bilcilka.

Laashin Axmadey 5 jirkiisii ayaa lagu bilaabay waxbarashada iyadoo uu aabbihii u diray Dugsi Quraan xaafaddooda ku yiil si uu u barto Quraanka kariimka ah, wuxuuna ka qalin jebiyay laba iyo toban jirkiisii. Axmadey wuxuu sheegay in muddadaa faraha badan ay ugu qaadatay isagoo inta badan ku mashquuli jiray dhegeysiga gabayada laashimiintii xilligaas ku sugnaa tuuladooda kuwaasoo xilliyada qaarkood isugu iman jiray ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka sida walawaleyda, shiribka iwm.

Sida la wada ogsoon yahay, degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxay leeyihiin xusuus dhaqameedyo sannadkiiba mar la sameeyo kuwaasoo, inkastoo ay gobollada ku kala duwan yihiin qaabka fantasiyada loo sameeyo, haddana inta badan dhaca isku xilli. Gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaannada la xiriira gaar ahaan tuulooyinka Degmada Afgooye waxay iyagu si gaar ah u leeyihiin maalmahaasi ciyaaro loo yaqaano Istunka. Ciyaartan oo inta aan la qaban laga hormariyo ciyaaro kale oo gogoldhig u ah Istunka waxay dadka deegaankaasi u yaqaaniin Shiribka waxaana loogu tala galay in Laashimiintu ay ku soo bandhigaan gabayo is xifaaleyn ah oo dib loogu xusuusanayo waxyaabihii la soo maray muddadii u dhexeysay labada Istun, ha ahaato dhacdooyinka xatooyada la xiriira, kuwa dhaqanka khilaafsan, sidoo kale kuwa diinta khilaafsan kuwaasoo qoysasku ay isku caayaan marka la gaaro xilliyadan oo kale. Haddaba Axmadey wuxuu kulammadaasi ka qayb geli jiray isagoo dhiganaya Dugsiga Quraanka, wuxuuna mararka qaarkood jeclaan jiray in uu Laashimiinta ka waaweyn ee goobta ku sugan la qaybsado mar bixinta, hase yeeshee wuxuu ka baqi jiray in loo sheego macallinka Dugsiga Quraanka oo arrintaasi darteedna loo ciqaabo.

Laashin Axmadey aabbihii raalli kama ahayn in uu aado fagaarayaasha ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka hase yeeshee waxaa u fududeyn jirtay hooyadii Marwo Caasho ….. oo marka uu doonayo in uu aado meelahaasi ka qarin jirtay aabbihii, Odey Cabdi Cali Gaashaan. Waxaa dhici jirtay in aabbihii marka uu ku tuhmo wiilkiisa in uu doonayo in uu aado goobahaasi uu hooyadii kula dardaarmi jiray in Axmed uu isu diyaariyo dagaalkiisa hadduu aado habeenkaasi ciyaarta, hase yeeshee Laashin Axmadey waxa uu si gaar ah ula ballami jiray hooyadiisa oo aad u
jecleyd iyadoo ka soo xiri jirtay albaabka marka uu baxayo kana furi jirtay intuusan aabbihii soo toosin marka uu ka soo noqdo.

Laashin Axmadey markuu dhammeystay barashadii Quraanka, wuxuu billaabay in uu si buuxda uga qaybgalo kulammada ciyaar dhaqameedka, wuxuuna habeen habeennada ka mid ah isagoo la shirbaya kooxda shiribka, iskula hadlay in uu isku dayo bixinta Mar-ka, sidaa darteed, sida caadada u ah ciyaarahaasi laashinka doonaya in uu Mar bixiyo waa in uu fooriyo si loo joojiyo heestii hore loogu ciyaarayey. Wuxuu yiri laashinka markaan fooriyay ayaa dib la ii soo wada eegay iyadoo qof walba uu la yaabban yahay foorada iga soo yeertay. Waxaan ahay 14 jir aad u bar yar, cabsi isma gelin, markii la wada aamusay ayaan ku bilaabay;

Manaan addin qaadoo, ay Uley imaad. (Heeraar)

Allif waa la jiidaa, aayad waa la koobaabaa. (Gabar saar)
Inaa fataxnaa Arbaco bilowgeeda waaye.
Iidda Iidda u weyn Caarafo waaye,
Iid yareyna Dabshid waaye.
Iidda Suneedna ayaan Jimco waaye
Ilaahey manow ku ajalaayo kuma ogeysiiyo
Waxow kuugu arsaaqaayo kaama ood saaro.
Ajal meyd nimaaw ku dhicin Iil la geyn maayo
Amarkiisa nimaw soo ahaaninna eebo dili meyso.

Manaan addin qaadoo ay Uley imaad
Ooyow ma aqaani waa leyga ordaa.

Laashin Axmadey waxa uu sheegay in Beytka hore ee Mar-kiisan, uu ugu tala galay in ay barbaarta la jiibiso waana caado ay ciyaartu leedahay. Waxaana la rabaa buu yiri hadduu laashinku yahay nin xariif ku ah ciyaarta in uu marka hore soo bandhigo gunaanadka gabaygiisa taasoo loo yaqaano Heeraar. Gabayga intiisa dambena waxaa la yiraahdaa Gabar saar. Haddaba markuu yiri; Manaan addin qaadoo ay Uley imaad waxaa caado ah in lagaa jiibiyo kaddibna lagaa sugo dulucda gabaygaaga ugu dambeyntiina ku soo gabagabeyso Heeraarta oo la dhammeystiray si kooxda oo dhan u wada qaadaan. Waana tan uu ku soo gabagabeeyay Manaan addin qaadoo ay Uley Imaad, Ooyow ma aqaani waa leyga ordaa.

Dhammaan barbaartii waxay noqdeen kuwo la fajacay gabaygeyga iyo kuwo hambalyo iila soo jeesta. Waxaa la isla dhex maray; “Laashin ayaa soo baxay! Tuulada Laashin weyn ayaa ka soo baxay!”. Jimcihii ku xigay kooxdii oo aan ka dhex muuqdo waxaan u duulnay tuulo kale, haddana tuulo kale …. kuwaasoo dhammaantood aan si weyn ugu soo caan baxay. Markii la gaaray maalintii Istunka, waxaan la goob tegay kooxdeydii magaalada Afgooye halkaasoo aan uga qayb galnay ciyaar sannadeedkii Istunka.

LA SOCO QEYBTA 2-AAD.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.