Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Munaasabad Lagu Dhaarinayay Wasiirka Beeraha Oo Ka Dhacday Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah
14/05/2012

Munaasab maanta lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya  isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Beeraha iyo Xanaanada ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  xilka loo magacaabay islamarkaana u gudan doono shaqadiisa si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Sheekh Xasan uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

 




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.