Culimada ku xeel-dheer Abla-ableeynta Tafiirta Aadanaha, guud ahaan weey isku khilaafsanyihiin halka aay ka soo jeedaan Dadka Soomaalida la dhah, in kasta oo la dhaho waxa aay ka soo Tafiirmeen Qowmiyaadka la isku dhaho KUSHITIGA, gaar ahaan Laba Qabiil oo ka mid ah Qowmiyaadkaas oo la dhaho RENDILLE iyo BA’ISO, asal ahaan, Dadka Soomaalida la isku dhaho waxa aay ku nool yihiin Geeska Afrikada-Bari, Qabaa’ilkii ugu horeeyay ee soo gaara dhulka Soomaaliya waxaa ugu soo horeeyay Qabaa’iladaan Rendille, Ba’iso, Qawada dhamaantoodna waxa aay isku soo dhereriyeen oo aay degeen inta u dhaxeeyso Labada Webi Shabelle iyo Jubba, iyada oo qabiilka la dhaho Qawada ilaa iyo maantadan laga helaayo qaar ka mid ah deegaanada Gonder ee Wadanka Itoobiya (Ethiopia) ka mid ah.
Runtii lama dhihi karo Dadka Soomaalida dhamaantood waa isku Af, iyo Dhaqan
Dadka soomaalida la dhaho waxa aay ka koobanyihiin Labo (2) Bulsho
Bulsho Reer-Guri ah, oo isku Dhaqata (Isku heysata) Beeraha iyo Xoolaha, iyo Bulsho Reer-Guuraa ah,oo Geel-jir ah.
Bulshada Reer Guriga ah, waa Bulsho degan oo aan guur-guurin, waa Beeraleey iyo xoolo-dhaqato.
Bulshada reer-Guuraaga, waa Bulsho aan Degeneen, oo Guur-guurta, waa Xoolaaleey (Xoola-Jir) Bulshadaan waxa aay u Guurtaa hadba meeshii Roob iyo Daaq lagu sheego.
Bulshada Reer Guriga waxaa Dhaqankeeda ah, Xeer, waxeeyna ku dhaqmaan Nidaam-xeereed aay isku waafaqsanyihiin, oo la dhihi karo waa nidaam Dowladeed.
Bulshada reer-guuraaga waxaa Dhaqankeeda ah, Heeb, oo ah, nidaam Qabali (Nidaam ku saleeysan Qabiil).
Qabaa’iladii Kushitiga.
qabaa’iladii kushitiga ahaa ee u soo haajaray soomaaliya waxeey ahaayeen: Rendille, Ba’iso, Gawada, Gaalla (OROMO), Warize, Afar, Tsamay, Gidale, Nubiyiin iyo kuwa kale.
Bulshada MAY-MAAYGA.
Aqoonyahanadii Cilmiga Taariikhda waxeey qireen in bulshada Maay-Maayga, ee soomaaliya aay dhaqan ahaan iyo Lahjadba aad ugu dhawyihiin Bulshaweeyntii Kushitiga.
Aqoonyahan ku xeel-dheeraa Cilmi-Afeedyada Bulshooyinka dunida oo la dhihi jiray Dr. Huntig Ford, waxa uu si tafaftiran u cadeeyay in Qabaa’ilada Digil iyo Mirifle aay isku bahyihiin Bahweyntii Kushitiga Afka Maay-Maaygana yahay kan Asalka ah, Afka Soomaaliga, wuxuuna sidaas ku cadeeyay in aan Afka Maay-Maayga uu san la heyn Erayo ka soo jeeda Afaf kale sida Carabiga, Hidiga, Talyaaniga, Iwm.
Aqoonyahan FORD, ayaa baaritaanadii uu sameeyay Qarnigii 14-aad, isagoo si qoto dheer ugu sameeyay baaritaankiisa waxa uu tusaalle u soo qaatay Ereyadaan, sida:- WAAQ, GAAL, GAAS, waxa kaloo uu FORD tusaalle usoo qaatay sidii aay ugu dhawaaqi jireen bulshooyinkii Kushitiga Tirada sida, KOOW, LAMA, SADI, AFARAA, iwm.
Hadaan soo qaadano erayga GAAL Qabiilka Rendille waxeey ugu dhawaaqi jireen Gaal Qabiilka Awera waxeey ugu dhawaaqi jireen Ga’al, Qabiilka Oromada waxeey ugu dhawaaqaan Gaal Qabiilka Gawada, iyagana waxeey ugu dhawaaqaan Kaal, Digil iyo Miriflena waxa aay ugu dhawaaqaan GAAL.
Ereyga Gaas hadaan soo qaadano sidii aay ugu kala dhawaaqi jireen Qabiilka Dasench, Gaas, Gawada Gaas, Digil iyo Mirifle Gaas.
Asal ahaan shaha Afka (Soomaaliga) waa Afka, May-Maayga waxaan u maleeynayaa in uu intaas inagu filanyahay, tusaalle.
WAQTIGII (XILIGII) GOBONIMADOONKA-SOOMAALIYA.
(XIZBIGII UGU HOREEYAY GOBONIMADOON AHAA, OO KA CURTA SOOMAALIYA (ITALIAN_SOMALI_LAND)
Koofurta Soomaaliya (Italian Somali Land), Xisbi siyaasadeedkii ugu horeeyay, waxaa la dhihi jiray, Patriotic Benefit Union, waxaa aas-aasay Halyeey Sheekh Cabdulaahi Sh. Maxamed (Bagadi) sanadkii 1945 Sanadkii 1946, xisbigii Patriotic Benefit Union, magaciisa waxaa loo bedelay JUMCIYA.
25, Maarso 1947 Magacii Jumciya waxaa lagu bedelay, Hizbi Dastur Mustaqil Somali (H.D.M.S.) ama Hizbiyo.
Bishii Meey 13/1943, Naadi Dhalinyaro oo la dhihi jiray somali Youth Club (S.Y.C.), waxaa aas-aasay Sheekh Cabdulqaadir Sh.Sakhaawadiin, Bishii Meey 15/1947 Magacii Naadigii S,Y,C. waxaa loo bedelay Xizbi siyaadsadeed oo la dhihi jiray Somali Youth League (S.Y.L.).
Dhamaan Ururadii, iyo Xizbiyadii siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya (Italian Somali Land) ugu horeeyay waxaa dhamaantood aas-aasay Halyeeyo u dhashay Qowmiyada Digil iyo Mirifle, iyagaana u sab ahaa xurnimada maanta aay heestaan Ummada Soomaaliyeed, laakin waxaa nasiib dara ah, Xornimadaasi iyo Dowladihii Dalka soo maray dhamaantood in aay MARTI ka noqdaan Qowmiyada Digil iyo Mirifle hadii aan si kale u dhaho waxa aay ka noqdeen DOON-FUUL, maxaa yeelay Xizbigii Leegada (SYL), waxaa dhacday in Nidaamkii iyo Ahdaaftii Xizbiga, qaab Qabiil loo bedelo, aas-aasayaashii Xizbigana, Inqilaab, lagu sameeyo kadib markii Shirqool lagu Dilay, Ragii ugu fir-fircoonaa, waxaa ka mid ahaa Dadkii Shirqoolyadaasi lagu Dilay, Halyeey, KHALIIF HUUDOW MACALLIM, oo Meeydkiisa Waabarigii laga helay, XEEBTA LIIDO (6:30).
Waa Qalinkii Lecturer, CALI CABDI BAAB.
LA SOCO QEYBAHA KALE. Hadii Rabi idmo.