Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Munaasabad Shahaadooyin lagu Guuddoonsiinayay Arday bartay Caafimaadka oo ka dhacday Magaalada Baydhabo
20/05/2012

Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad oo wax-ka-bartay kuliyada caafimaadka ee jamaacadda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu qabtay magaaladaas, waxaana ardaydan ay muddo laba sano ah baranayeen cilmiga caafimaadka.

Munaasabadda oo ka dhacday Baar Caalin ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha bulshada, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Koonfurta Soomaaliya.

Ugu horreyn, munaasabadda waxaa ka hadlay xogahaya guud ee golaha ay ku mideysan yihiin malaaqyada Digil iyo Mirifle, Malaaq Aadan Cali Yarow isagoo si weyn ugu ammaanay jaamacadda doorka ay kaga jirto horumarinta dadweynaha ku dhaqan Gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbada dhexe.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay macallin Axmad Xasan oo ku hadlayay magaca guddoonka waxbarsahada ee jubbooyinka isagoo u mahad-naqay maamulka iyo macaliimta jaamacadda Koonfurta Soomaaliya; ardeydii dhameystay wax-barashadoodana ku boorriyay inay ku dadaalaan ka gun-gaarida shahaado sare oo caafimaad ah Bachelor illaa shahaadada sare ee masteradka.

"Gobolladan waxay caan ku yihiin beeraha iyo xoolaha marka waxaan ardayda ku dhiirri-gelinaynaa inay bartaan cilmiga beeraha iyo xannaanada xoolaha; waayo waa noo muhiin jaamacaduna waxay diyaar u tahay inay howshaas kasoo dhalaasho,"ayuu yiri macallinkii munaasabadda ka hadlay.

Abwaan Muxsin Qaasim Khaalib (Abwaan Jaakoole) oo isna goobta ka hadlay ayaa soo bandhigay sugaan xiiso gelisay ka qaybgalayaashii munaasabadda qalin-jabita ahayd. Sidoo kale; goobta waxaa hadal ka jeediyay Maxamed Xuseen Xasan isagoo ku hadlayay magaca ardaydii ka qalin-jibisay jaamacadda Koonfurta Soomaaliya isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin waxbarashadooda.

Ugu dambeyn, munaasada waxaa ka hadlay hormuudka jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, Dr Maxamed Cali Axmad (Kalaay) oo sheegay in jaamacadda Koonfurta Soomaaliya muddadii lixda sano ahayd ee ay furnayd ay soo saartay arday badan.

Ardaydan waa dufcaddii labaad ee ka qalin-jibisa kulliyadda caafimaadka; iyadoo ducaddii ka horreysay ay ka howl-galayaan isbitaallada Baydhabo iyo Muqdisho," ayuu yiri, Dr Kalaay oo intaa ku daray inay ku howlan yihiin inay soo kordhiyaan kulliyado kale oo cilmiga laga barto.

Ugu dambeyn, hormuudka Jaamacadda wuxuu sheegay in markii ay billaabayeen howsha jaamacadda iyo maanta uu farqi weyn u dhexeeyo, taasina ay sababayso inay dadaalkooda kordhiyaan lana ballaariyo kulliyadaha jaamacadda iyadoo la kaashanayo iskuulaadka ka furan Baydhabo.

 




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.