Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanaka Qooqaani ayaa sheegaya in 11 madfac lagu garaacay Saldhigyada ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin halkaasi, iyadoo aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeyntaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah.
Saraakiisha Dowladda KMG ah ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay soo qaadeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, iyagoo tilmaamay in hadda jawiga deegaanka Qooqaani uu yahay mid degan.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war kasoo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab, iyadoo inta badan gobolka Jubbada Hoose ay dagaalo ku dhex maraan ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.