Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah oo sheegay in 24 saacadood gudahood ay ku qabsanayaan degmada Afgooye.
24/05/2012

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in muddo 24 saacadood ama 48 saacadood gudahooda ay ku qabsanayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dejiyeen qorshihii ay kula wareegi lahaayeen degmada Afgooye, isagoo xusay in ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay hadda ku wajahan yihiin degmadaas.

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa wada guluf dagaal oo aad u xoogan kaas oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Xarakada Al Shabaab iyadana dhankeeda ay isku dayeyso in ay difaacado degmadaas oo ah magaalo istiraatiiji u ah xiriirka goboladda Jubboooyinka iyo Baay.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa imaanaya xilli maalintii seddexaad uu dagaal ku dhex maraya deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye Ciidamada  Dowladda KMG ah oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM iyo ciidamada Xarakada Al Shabaab.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.