Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Col. C/laahi Iideey oo loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
30/05/2012

Col C/laahi Cabdi Axmed Iideey ayaa shalay loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib markii shalay degmadaas ay gaareen wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh. Axmed.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladda KMG ah ayaa ku dhawaaqay wareegtada kasoo baxay xafiiska wasaarada, waxaana uu sheegay in markii ay arkeen baahida loo qabo in si deg deg ah loo magacaabo ayna la tashiyo badan sameeyeen  ay Col Iideey u magacaabeen gudoomiyaha KMG ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose si aysan u dhicin marnaansho xaga maamulka.

Kulankii shalay oo  ka dhacay beerta Sh. Zaayid Bin Suldaan Al Nahaayni ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda KMG ah, qaar ka tirsan xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha ciidanka AMISOM iyo Dowladda KMG ah iyo weliba dad weyne kale.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka Gen. C/Kariin Dhega Badan, waxaana uu u mahad celiyey ciidanka Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kuwaas oo uu sheegay in ay suurta geliyeen in gacanta Dowladda ay dib ugu soo laabato degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gen Shariif Sheekhunaa Maye Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda KMG ah ayaa isna ku xigsaday Gen Dhega Badan, waxaana uu sheegay in si wanaagsan ay sugeen amniga degmada Afgooye isagoo sheegay in aysan jirin wax dhac ama boob ah oo ka dhacay degmada, waxaana uu intaa ku daray in ku dhowaad 300 qof ay soo qabteen isla markaana ay baarayaan.

Taliyayaasha ciidanka ka dib ayaa waxaa loo yeeray dad la sheegay in ay  yihiin nabadoonada degmada Afgooye si ay kalmad uga dhahaan kulanka, iyadoo nabadoonada qaar magacyadooda ay ku cusub yihiin dhagaha dadweynaha degmada Afgooye.

Nabadoonadii ka hadlay kulankii shalay ayaa waxay kala yihiin :-

1.      Xuseen Cumar Muudeey.

2.      Suldaan C/Qaadir Baliil.

3.      Maxamed Sh. Cade Fiile

4.      Iyo Sh. C/Qaadir Sh. C/Nuur oo la sheegay inuu ka mid yahay culumadda degmada Afgooye balse aan la garaneynin halka uu kitaab weligiisa ka akhriyey ama muxaadaro ka jeediyey.

Odayaasha dhaqanka ama dadka lagu tilmaamay nabadoonada ayaan aheen odayaashii rasmiga ee la yaqaanay, iyadoo kulankii shalay gebi ahaanba uusan jirin qof kasoo jeeda Beesha Geledi oo ka hadlay goobtaas.

Wararka Shabakadda AFGOI.NET ay ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya in dadkii shalay ka hadlay Beerta Sh. Zaayid ay wateen dad gaar ah isla markaana aan wax xiriir ah lala sameyn Suldaanka iyo odayaasha dhaqanka ee saxda ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladda KMG ah C/Samad Macallin Maxamuud  ayaa isna ku xigsaday dadka lagu tilmaamay nabadoonada ka dib, waxaana si maldahan uu u sheegay in degmada Afgooye ay jiraan dad badan usoo halgamay balse hadda Gudoomiyaha Kaliya ay magacaabi doonaan kuwa kalena oo halgamaayasha ay ku jiraan ay dib usoo magacaabi doonaan.

Dadka siyaasada odorasa ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay in uu  halgamayaasha ula jeedo beeshiisa oo in badan xoog ku heysatay degmada Afgooye, isagoo si maldahan u tilmaamay in maamulka degmada Afgooye ay qeyb ka noqon doonaan.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah oo qaatay hadalkii ugu dambeeyey ee shalay laga jeediyey beerta Sh. Zaayid, waxaana uu sheegay in Gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Mahdi Cali Xasan jagadiisa uu sii heyn doono isla markaana uu la shaqeyn doono Gudoomiyaha cusub Col. Iideey, wuxuuna shacabka degmada Afgooye ugu baaqay in ay shaqeeyaan nabad gelyada ayna la shaqeeyaan ciidamada Dowladda KMG ah.

\

 

 

 




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.