Sanadkii 1963 Jamhuuriyaddii cusbeyd waxeey la soo baxday wajigeedii runta ahaa,wajigaasi oo ahaa (Qabyaalad) wajigaas waxaa lahaa,Xizbigii hogaaminaayay Dalka, ee (SYL) Leego.
Talaabooyinkaasi waxeey ina tusayaan sida ay labada Gobol,ee Waqooyi iyo Koofur,u kala qadarinaayeen midnimada guud ee Jamhuuriyadda iyo ahmiyadda ay u laheed Shacabka Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan Shacabkii Reer-waqooyi,oo si aan shuruud ku xirneen u qaatay midnimada,laakin wax walba,waxaa laga horeeysiiyay (QABIILKA),kaas oo Baarlamaanka dhaxdiisa ku noqday lama taabtaan,iyo ereyga ah,yaa tahay. Iyada oo awalba adkeyd sidii si toos ah looga tanaasuli lahaa Qabyaalada ayaa waxaa arintaasi sii adkeeyay markii Dadyowgii Isaaqa ahaa ay ku qanci waayeen siyaasadii guud ee Wadanka. Asbaabihii ugu weynaa waxeey ahaayeen,iyada oo Dadyowgii Isaaqa ay la haayeen Awooda ugu sareeyso markii ay joogeen Gobolkooda,halkaasi oo ah,meesha Dadyowga ku nool Dadka ugu badan,laakin markii ay dhacday,Israaci waqooyi & Koofur oo Muqdishow loosoo wareegay ayeey noqdeen dad laga codbadanyahay,maadaama aanay joogin dhulkoodi.
Qabiiladii kale ee degenaa Gobolkaasi waqooyi masoo gaarin dhibaatada soo gaartay Isaaqa,waa Qabiiladii ahaa Daaroodka ee ku jiray xizbigii (USP) waayo waxa ku darsameen Xizbigii (SYL) oo ay Huwan & Xulufa ku ahaayeen Hawiye & Daarood, Dadyowgii Isaaqa & Digil&mirifle,waxeey Baarlamaankka dhaxdiisa ay ku ahaayeen,kuwa aan Miisaan & Cod ku laheen,weyna is raaci kari waayeen,Dirtii ku jirtay Xizbigii (USP) waxeey iyagana sheegeen inay ku biiri doonaan,Hawiye ama Isaaq ugu danbeyntiina waxa ay ku biireen Xizbigii (SYL) dhankii Hawiyaha,halkaasi waxaa ku yaraatay Awoodii siyaasadeed ee Isaaqu lahaa,taasina waxeey keentay in ay u cuntamiweyso siyaasadii guud ee wadanka,waxaa kaloo iyana meesha ku jiray in siyaasadii Xizbigii (SYL) ay si toos ah ugu soo horjeesatay,siyaasadaha Xizbiyadaan:-USP,SNL,GSL,iyo HDMS,oo ahaa Xizbigii Mucaaradka ugu tunka weeynaa,ahaana Xizbigii kaliya ee hakin jiray isna hortaagi jiray siyaasadihii Guracnaa ee xizbigii SYL..
Waa Qalinkii,Lecturer,CALI CABDI BAAB.