Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Dawo Bukuutay Maxaa Lagu Daweeyaa. Axmed Yuusuf Cali Yuusuf (Idaajaa)
02/06/2012

Gef  igu ma ah in aan xillingan qalinka  u qaato maqaalkan isla markaana  ila ma ahan inuu gocasho keeni doono haddii dhanka wanaagsan la eego  . aniggna ila ma gudboona in aan la ilaalin anshaxa saxaafada iyo afmaalka balse waxaa hubaal ah haddii la doonayo in bukaan daawo loo helo waxaan aan laga fursaneyn in arrinka dabo iyo dacalba loo feydo,  sidaasi darted waxaan ka cudur daaranayaa hadii aan qalinka ku talaxtago taana ay tahay mid ila gashay raadinta xalka balse ulajeed kale aan raad ku laheyn ama cid gaar loogu dan laheyn.

Marxalada dalka & dadka marayo waa mid u baahan in hal meel looga soo wada jeesto oo aan loo kale harin si loogu gudbo wax na horyaalay ee ka hoos kacay Soomaalida dhexdeeda  muddo ka badan rubac qarni loo na helo xal waara oo ay ku diirsadaan jiilalka soo socda iyo kuwa hadda jooga.

Soo af jarida Colaadaha soo noqnoqday ,ka bixida gaajada nagu habsatay ,ka gudbida horumaar la’aanta,dabar goynta faqriga  iyo dib-u-dhaca  sababay in aan kheyrkeena ka harno  runtii  cidna la ma  ahan in hal maqaal iyo wax la mid ah lagu soo koobi karo  balse aniga shaqsi ahaan ka ma fogi mowqifkaasi laakin  waxbaa ii dheer, marka kowaad  haddii qof waliba meel kaga aado xal u helida arrimahan waxaan qabaa in la guuleysan doono, marka labaad waxa I riixayo waa kaalinteyda qofnimo,suxufnimo iyo somalinimo.

Soomaliya waxey u baahan tahay hogaan siyasadeed oo heer waliba leh oo ka yimid shacabka ayna soo doorteeen aygoo xor ah oo og cida ay masuuliyada dalkood ku aaminayaan.

Sido kale Soomalida waxey u baahan tahay hogaan siyaasadeed oo u xaq soori kara kana saari karaa shakiga iyo walwalka ay ka qabaan amniga iyo xuquuqdooda dadnimo,deegaan iyo dalba inay waayaan isla markaana si cadaalad ah ugu garsoori kara awooda masuuliyada,kheyraadka dalka iyo xuquuqaha aasaasiga ee nolosha sida waxbarashada,caafimaadka  iyo helitaan fursadaha shaqo.

Tan kale somalida waxey u bahan tahay hogaan siyaasadeed  oo ku shaqeeya rabitanka shacabka  u ogalna u madaxbanaanida  ka tashiga aayahooda heer waliba  isla markaana ku dhaqa wax  ay shacabka inta ugu yar iyo inta ugu badan raali ka yihiin .

Si loo  gaaro himiladaasi waxaa muhim ah in siyaasiyiinta ka shaqeeyaan wadada lagu gaari lahaa kana quustaan xilka lagu raadinayo awood lacageed,xoog ,dad iyo degaan ka been sheegid, keli-is-caleema saar  iyo mu’aamaro.waana wax aan u soo joognay ciribta danbe ay leedahay masuuliyada noocaasi ku timid.

Waa in laga quustaa rajada noocaas ah maxaa yeelay wax socon kara ma ahan oo dal ,degaan iyo dadba lagu matali karo,haddii aan laga tanaasulin waxaa hubaal ah in bilaash loo daalayo balse waxaana shaki iiga jirin in goortii ay noqotoba shacabka gaari doono xili ay codkooda ugu talin doono  aayahooda ayna muujin doonaan in awooda codka  ay ka xoog badan tahay xabbada,lacagta,is-magacaabida,dhaqan iyo darjo been abuur ah .

Awooda shacabka ma ahan mid gacamaha lagu dabooli karo mar hadii ay soo muuqato waxaana marag u ah taxanaha taariikhda dadyowga dunida soo maray.

Haddaba maxaa  siyaasiyiinta kelefay  ayagoo ogsoon waaqicigan jira inay siyaabo kale ay xil ku doonaan ? waxaa run ah maahmaahda dhaheysa “aan is jiid jiidno waa gacmo daalis” haddii dalkan iyo dadkan sidaasi lagu xukumi karo rag badan ayaa iskudayay  kadib burburkii dowladii dhexe halkee ku danbeeyeen ?ma isweydiinay? dalka iyo dadkaba ma u taliyeen? Waa cashar inagu filin oo aan u baahneen in la sii gorfeeyo balse oo keliya micno ku leh  in la isxusuusiyo maadaama aan goob jog ka aheyn.

Haddii aan laga gudbin fakarkan iyo qaab darada talada iyo xukunka lagu raadinayo waxaa xaqiiqa ah in arrinka yahay jug jug meeshaada jog.

Dawada dhibaatada somaalidana qaabka hadda loo raadinayo laguma helo sida darted  waxaa   talo iga ah  in shacabka fursad la siiyo oo faragelinta gudaha iyo dibada laga daayo iyo in loo daayo inay aayahooda ka tashadaan isla markaana lagu qasbin wax aysan u dhameyn oo ay raali ka aheyn, maxaa yeelay awooda shacabka ayaa leh ,dowladna waa tan shacabka ka timaada, nabadna waa tan shacabka dhaliya ee qaran ma ahan wax xoog , khiyaano,mu’aamaro ,been abuur, dad iskariixid sad bursi  iyo ku tacdin sharfka ,karamada iyo xaquuqda shacabka lagu gaari karo.

 Haddii  shacabka baariga ah ka aamusay  oo uu aysan kadaba qaylin kuwa ku been abuurtay magacooda xilna ku doonay uu shacabkana u arkeeen inay dawo u heli doonaan dhibaatada ay ku jiraan welina aan dhibkii laga gudbin waxaa shacabka u cadaaday in ay dawada (siyaasiyiinta) bukootay. su’aasha waxey tahay haddii dawo bukooto maxaa lagu daweeyaa?

Cidii ay ka dhab tahay inay xilligan adag shacabka ka gudbiso xilna u qabto ha ka shaqeyso soo celinta jawi nabadeed oo fursad siin kara shacabka inay codkooda ku ciil baxaa.

Dowlad la jacburiyay oo aan shacbka beec la gelin  waxaa ka kheyr roon intey doonto hanagu qaadatee inaan kawada shaqeyno sidii dalka jawi nabadeed loogu soo dabaali lahaa oo surageliya doorasho xor ah.

W/Q:  Axmed Yuusuf Cali Yuusuf  (Idaajaa)

           axmedafgoi@hotmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.