Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh. Axmed ayaa shalay gaaray dalka Dalka Tanzaniya isagoo isla shalay gelinkii dambana la kulmay Madaxweynaha dalkaas Jakai Kekwete.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Arusha ee dalka Tanzaniya, waxaana markaas ka dib loo galbiyey halkii loogu tala galay.
Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa shalay galab kulan la yeeshay dhigiisa dalka Tanzaniya Jakai Kekwete, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.
Labada Madaxweynaha ayaa diirada isla saaray tababarada Dowladda Tanzaniya ay siineyso ciidamada Dowladda KMG ah, iyagoo isla faaqiday arrintaas ka dib sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Dowladda KMG ah la isku af gartay.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ayaa socdaalkan waxaa ku wehliya Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhiga iyo Haweenka iyo Daryeelka Qoyska ee Dowladda KMG ah.