Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka qeyb galeen shir iyaga iyo bulshada rayidka loogu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Odayaasha ayaa kasoo degay gigada diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada MUqdisho, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ah.
Odayaasha waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey Ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, xubno ka socday ururada bulshada, haweenka degmaooyinka gobolka Banaadir, kooxda Bambeyda iyo barbaarta gaashaaman.
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hadda waxa horyaala howlo ay ka mid yihiin soo xulista ergadii ansixin laheed dastuurka cusub iyagoo markaa ka dibna u gudbi doono soo xulista xubnaha ka mid noqonaya Barlamaanka Cusub.