Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed
03/06/2012

إنا لله وإنا إليه راجعون

"إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى"

Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho,  waxayna tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, ardaydiisii, asxaabtiisii, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyooday. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Sheekha u dambi dhaafo, jannada Firdowsna geeyo, intii Sheekhu ka tagayna inuu xifdiyo adduun iyo aakhiraba, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

Sheekha oo ka mid ahaa culumada ka faafisa dalkeena dacwada iyo tacliinta sharciga ah geeridiisu waxay bannaysay furin weyn oo uu ku aaddanaa; sidaa darteed waxaa la gudboon culumada, ducaadda iyo ardaydii sheekha inay labanlaabaan dadaalkooda iyo iskaashigooda si ay u buuxiyaan kaalintii Sheekha (Alle ha u naxariistee).

Sh. Axmed C/samad

Gudd. Golaha Fulinta Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah

Muqdisho - Somalia




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.