Degmada Afgooye waxay kamid tahay degmooyinka 8 ah ee gobolka Shabeelaha Hoose,waxay koonfur bari ka xigtaa caasimadda waddanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho,iyadoona u jirta masaafo dhan 30 KM.
Degmada Afgooye waxay sidoo kale kamid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya,waxayna caan ku tahay wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool.
Dallaga inta badan kasoo go’a beeraha degmada Afgooye ayaa waxaa loo iib geeyaa dhammaan gobolada dalka Soomaaliya,haba ugu badnaadee gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Muuzka,cambaha,garrowga,digirta,Tamaandhada(Yaanyo)da ayaa ah cuntooyinka ugu badan ee laga qaado degmada Afgooye loona sii geeyo dhamaan gobolada dalka uu ka koobanyahay.
Degmada Afgooye waa magaalo istiraatiiji ah,waxayna isku xirtaa 4 gobol oo kamida gobolada ugu dhulka wanaagsan ee Soomaaliya,kuwaasoo kala ah:-gobolka Banaadir,gobolka Shabeelaha Hoose,gobolka Shabeelaha Dhexe, iyo gobolka Baay.
Iyadoo sidoo kale leh marinka ugu muhiimsan ee looga tago gobolada Jubooyinka ee Soomaaliya kuwaasoo xuduud la leh dalka aynu jaarka nahay ee Kenya, waxaan sidoo kale la iloobi Karin marinka muhiimka ah ee looga tago gobolada Baay iyo Bakool, kuwaasoo iyagana xuduud la leh wadanka cadaawada darani ay naga dhexeyso ee Ethiopia.
Dhammaan marinadan ama wadooyinkan ayaa ah kuwo aan sinnaba looga maari kareyn maritaankooda,taasi oo sababta mar walba in khasbiyan lasoo maro degmada dooga iyo khudrada ku caan baxday ee afgooye.
Had iyo jeer marka ay xidhanto wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,ayaa waxa ay dareemaan shacabka gobolka Banaadir cidhiidhi xaga nolol maalmeedkooda ah,taasi oo ay sabab u tahay xayirnaanta cuntooyinka muhiimka ah ee maalin walba gaadiidka xamuulka ahi kaga soo daabuli jireen gudaha degmada cagaaran ee Afgooye.
Wadada( MUURI ) oo marta badhtamaha iyo duleedka degmada Afgooye,ayaa waxa ay kamid tahay waddooyinka ugu magaca weyn qaarada Africa,gaar ahaan dalka Soomaaliya,waxaana la dhisay qarigii 18-aad horaantiisii,waxaana loogu magac daray mid kamida jeneraaladii ciidamada gumeystaha Talyaaniga ugu sarsareeyay oo lagu magacaabi jiray ( PAULO DE-MOURIO ),Balse waxaa wadadan dib u dayactirtay oo dhistay xukuumadii millateriga ee uu Jaalle Siyaad madaxa ka ahaa.
Dhul ahaan:- Degmada Afgooye waa dhul carra madow leh,taasoo dadka deegaanka ee beeraleyda ahi uga faa’ideystaan wax soo saarka beeraha, waxay sidoo kale degmada Afgooye leedahay carra gaduud, taasoo dadka reer afgooye uga faa’ideystaan dhanka dhismaha iyo wax yaabo kale.
Waxaa degmada Afgooye mara webiga Shabelle kaasoo kasoo bilowda gudaha dalka Ethiopia, kuna dhamaada degmada dhaay tubaako ee Jubooyinka Soomaaliya.
Webigan (SHABELLE) ayaa laf dhabar buuxda u ah wax soo saarka beeraha Afgooye,iyadoo beeraleyda degmada Afgooye mashiino dhigtay gudaha webiga,waxayna qaar kamida beeraleydani ka qotaanba kanaalo biyeed si ay si fudud ugu waraabistaan beerahooda.
Waxyaabaha kale ee ay dadka degani Afgooye uga faa’ideystaan webiga Shabelle waxaa kamid ah:- meyrashada dharkooda iyo nadiifinta(sifeynta) biyaha webiga si loo cabo, wallow ay jiraan ceel waaweyn oo waliba taangiyo(Haamo) sare leh, iyo kuwo yar yar kuwaasoo inta badan dadweynuhu dhaansadaan,kuwo kalena qasabadi guriga ugu jirto.
Degmada Afgooye oo aheyd hooyadii tacliinta xilligii beri samaadka,ayaa waxaa loo doortay loona codeeyay in laga dhiso inta badan school-adii iyo jaamacadihii ugu waaweynaa dalka sida:-Jaamacadii Lafoole & Jaamacadii Beeraha.
waxaa sidoo kale laga dhisay degmada Afgooye warshadii ugu weyneyd faakihada iyo khudaarta ee Soomaaliya, taasoo lagu magacaabi jiray (EITOP),Waxaana ka shaqeynayay in ka badan (300) oo shaqaale.
Waxaa sidoo kale degmada Afgooye ku taalay xarunta ugu weyn ee keydka galeyda Soomaaliya, iyo warshadii lebenka ee Soomaaliya, iyo warshado kale oo yar yaraa.
Dhammaan raadadka dhismooyinkan wali way ka muuqdaan gudaha degmada afgooye,waxa ay kaliya u baahantahay un in la yara habeeyo oo la dayactiro, inkastoo aqoon yahano fara badan oo kasoo jeeda degmada Afgooye kuwaasoo dunida dacalladeeda jooga ay qorsheynayaan inay dib usoo celiyaan bilicdii iyo magacii weynaa ee ay laheyd degmada Afgooye.
La soco qeybta labaad.
Abuubakar C/Qaadir C/laahi