Ilaaheenna na abuuray, wuxuu naftiisa ka xarrimay "Dulmiga"; wuxuuna nagu amray inaanan is-dulmin, haddii aynu Bani-aadam nahay. Waxaa kaloo uu Rabbigeennu noogu sheegay Quraankiiisa kariimka ah; inuu naga dhigay Rag iyo Dumar, Shucuub iyo Qabaa''''il, si aynnu isugu aqoonsanno, qof walba meesha uu ka soo jeedo. Shacbi walba waxaa ka farcama Qabaa''''il leh Caadooyin iyo dhaqanno ka du-duwan.
Ummad walba oo dunida ku nool, waxay leedahay dhul u gaar ah iyo xuduudo ay tahay in aan la isu soo dhaafin, oggolaansho la''''aan. Haddii Xuduuddaas lagu soo xad-gudbana, waxaa dhaca dagaallo la isaga hor-yimaado. Mararka qaarkood, waxaaba lagu dagaallamaa dhul aan sidaas u sii weynayn, oo ay baaxaddiisu yartay, ahmiyad gaar ahna aanan lahayn,sida; dhulka baaxadda yar oo ay hadda isku hayaan Itoobiya iyo Eretariya, kumaan-kunka qofna ay isaga dileen. Haddii Ummaddu ayan difaacin dhulkeeda iyo qarannimadeeda, waxaa lumaya sharafteeda iyo karaamadeedaba. Culimada Jograafiga ayaa waxay sameeyeen Qariidad( map ), lagu aqoonsanayo soodimaha ay waddammadu kala leeyihiin.
Waxaynu og-nahay, dagaallada dunida ka dhaca badankood, inay ka bilowdaan Soodimmo( xuduud ) lagu murmo iyo deegaannada ku dhow-dhowba. Markii uu dalkeennu ka dhacay dagaalka sokeeye, waxaa la lumiyay karaamadii dadyow fara badan, kuwaas oo deegaannadoodii lagu soo duulay, lagana dhigtay " La-heystayaal" aanan xaq lahayn, loona bixiyay magacyo lagu quursanayo, sida;"Looma-ooyayaal","Beelaha aan hubaysnayn" iwm. Waxaad mooddaa in lagu tala-galay in la jidaysto dullaysiga dadkaas, lagana tir-tiro sheegashada dhulkooda. Deegaannada qaarkood, waxaa si xoog leh lagu guursaday Gabdhahooda, si loogu xididaysto deegaankaas.
Haddaba "Aqristow", waxaa laga yaabaa, inaad is-weydiiso, waa kee dhulkaas xoogga lagu heysto ?!!!. Su''''aashaas jawaabteeda dadka Soomaaliyeed badankood, waa ay yaqaannaan, oo fahmi karaan. Waa dhulka ku yaalla labada webi ee dalkeenna( Jubba iyo Shabeelle ) inta u dhaxaysa iyo hareerahoodaba, waana dhulka ay ku badan tahay barwaaqadu. Waxaa is-weydiin leh, yaa xukuma dhulkaas ?!!!. Ma dadkii asalka u lahaa, laguna yiqiin ? mase kuwa kale oo gobollo kale uga yimid ?!!!. Waxaa dalkeenna loo qabtaa shirar dib u heshiisineed, waana lagu kala dareeyaa, maxaa taas sababaya ?!!!. Waxaa jira dad aanan daacad ka ahayn "Heshiisiinta", waayo, waxaa meesha ku lumayo, haddii la heshiiyo, danahooda gaarka ah, oo waxay waayayaan waxyaabaha ay hadda xoogga ku heystaan oo uu ka mid yahay Dhulka aan soo sheegay.
Waxaa hadda la dhisay Dawlad FKMG ah, waa la yaqaannaa micnaha "Federaal", waa is-xukun goboleed oo midnimo guud wadaaga. Waa inay dadka u dhashay gobol walba, ay iyagu is-xukumaan, oo samaystaan maamul u goonni ah. Waxaa is-weydiin leh, sidee ayaa loogu sheegayaa dadka heysta dhulal aan ahayn dhulkooda inay maamul u samaystaan, xukumaanna. Ma loo bareeri karayaa dulmiga intaas la eg ? maxaase ka dhalan doona ?. Waa su''''aal, loo wada joogo jawaabteeda .
Waxaan qormadan uga dan-leeyahay, in la fahmo, deegaan walbana loo daayo dadka leh, lagu yaqaan, una dhashay. Deegaan walba waxaa uu leeyahay Aqoon-yahannadiisa iyo Wax-garadkiisa, xoog isku-maquuninna, ma aha mid sii socon karaysa. Dadyowga deegaannadaas, kama ay baqayaan kuwa qabsaday dhulkooda, laakin, waxay diidayaan inay ku dhex-dagaallamaan deegaankooda, waddo kalena wax ku raadiyaan, dul-qaataanna intii suuragal ah. Waxay taariikhdu caddaynaysaa, inay Ilbaxnimada adduunku ka soo bilaabatay Agagaarka Webiyada,sida tii Masar iyo Beershiya. Dadka dega agagaarka Webiyada, waa dad jecel Nabadda, Il-bax ah, oo diidaya in wax walba lagu dhammeeyo dagaal iyo xoog. Waxay u badan yihiin Beeralay dulqaad badan, aanan jeclayn Qaxootinnimada iyo dibad ku noolaanshaha. Waa Xalaal-quudato yaqaanna Rabbigooda.
Ugu dambayntii, waxaan leeyahay; Soomaalidu ha is-xaq-dhowrto, hana iska deyso is-quursiga. Dadku waa walaalo, isku af iyo isku diin ah, mar walbana isu baahan, midnimaduna, waa wax weyn, oo aan si fudud lagu heli karayn.
WQ: Prof. Ismaaciil Yuusuf Cismaan.