Midowga ardayda gobalka shabelada Hoose MAGOSH oo ah urur dhalinyaro bulsho ayaa dhidibada loo aasay xili aay bulshada gobalka shabeelada hoose ay u baahnaayeen wacyi galin duruufo adag oo dhanka waxbarashana ay heysatay qaar badan oo ka mid ah dhalinta ku nool gobalkan waxaana markii ugu horeysay madaxda MAGOSH ay u dhaqaaqeen in ay fursado waxbarasho u raadiyaan dhalintii dhaqaaluhu u diiday in ay waxbartaan waxaana codsiyo loo geeyay dhamaan iskuulada gobalka waxaana codsiga MAGOSH aqbalay qaar ka mid ah iskuulada waxaana ka mid ah iskuulka AALA-YAASIR , FATXU-RAXMAAN, ISRA, MAKA IYO MADIINA iyo iskuulka UMU AYMAN Qoryooley.
Intaa ka dib ayaa hadana waxa ay u tafaxeyteen sidii ay ugu heli lahaayeen ardayda dhameestay dugsiyada sare ee gobalkan. waxayna madaxda Ururka MAGOSH ay codsiyo u gudbiyeen jaamacado fara badan waxaana aqbalay codsiga MAGOSH jaamacado ay ka mid yihiin (Plasma University, Indian Ocean University, Banadir University, Xamar University, Islamic University iyoInternational Horizon University) waxaana ka faa’ideystay fursadahan dahabiga ah arday ka badan shan iyo toban arday sanad walbana ururku fursadahan waxa ay ugu faaiideeyaan ardada gobalka.
Sidoo kale waxaa ay dhiseen Dugsi qur’aan dhaqaalaha lagu dhisay dugsigan ayaa waxaa iska ururiyay madaxda MAGOSH waxaa kaloo jirta deeqo loo qeybiyay dadkii abaaraha ay hala-keeyeen ee ku dhibaateesnaa gobalkan waxaana mar walba soo dhaweyneynaa cid walba oo ka qeeb qaadaneysa wax u qabashada Bulshada Soomaaliyeed ama jecel in uu ka mid noqda xubnaha MAGOSH wuxuuna naga la soo xiriiri karaa xarunta dhexe ee ururka oo ku taal Degmada Afgooye ama Cinwaanada Ururka oo Kala Ah:
Tell: 0025261-5557619
0025261-5845966
0025261-5520288
E-mail: Magosh114@gmail.com
Magosh114@hotmail.com
Magosh114@yahoo.com
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)