Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Ardayda Digil iyo Mirifle oo kulan looga hadlayey muhiimada ay leedahay Midnimada ku qabsaday dalka Suudaan.
09/06/2012

Kulan si heer sare ah loo soo gaasimay si wacana looga soo shaqeeyay qabsoomidiisa oo ay kasoo qeyb galeen gabdho iyo wiilal ayaa waxa uu ka dhacay dalka Suudaan.

Kulankani ayaa waxaa qaban qaabadiisu lahaa Ururka  Aradayda koonfur Galbeed Soomaaliya ee Suudaan iyo Golaha Ardayda Digil iyo Mirifle ee isla dalka Suudaan.

Kulanka ayaa ahaa mid xasaasi badnaa kaasoo looga hadlayay muhiimada ay u leedahay midnimada beelaha walaalaha ah ee DM gaar ahaan ardaydoodii ee wax ka barata dalka Suudan.iyadoo ay meesha ka marneen dood wadaag iyo wax qabadka ay ku tilaabsatay Dallada Ururka Ardayda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya taasi oo ka shaqeysa inta badan Mideynta iyo afkaar wadaagista ardayda ku nasab sheegata qowmiyada DM ee dalka Suudaan wax ka barata.

Qodobka falaqeynta midnimada qowmiyada DM ayaa waxa ka hadlay Odayaal iyo wax garad iyo aqoonyahanada beelaha DM iyo ardaydeeda.
Falanqeynta ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Saxafi: Ibraahin Azhari iyadoo meesha uusan ka marneen wakiilka Shabakada warbaahinta
AFGIO.NET. Saxafi: Caadil Raaxeeye, uga soo war bixiya gudaha dalka Suudaan.

Masuuliyiinta ka soo qeyb galay kulani qiimaha badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Gudoomiyaha Golaha Ardayda DM ee Suudaan: Dr-Aadam macalin Bashaash
2. Gudoomiyaha Ururka Ardayda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Suudan: Mr- Maxamed qaasim awow
3. Suldaanka Ardayda Digil ee Suudaan: Suldaan- Cabdi Raxmaan Yuusuf
4.  Mas''''uuliyiinta ka soo qeyb galay madashane waxaa ka mid ah:
B. Dr- cabduqaadir Aadan Cali Mufti
T. Ustaad- Cali Axmed Muse
J. Ibraahim Xaaji Daahir
X. Maxamed Mustafa Xaaji
KH. Dr- Cimraan Axmed Cabduqadir
D. Wakiilka Shabakda
AFGOI.NET: Saxafi: Caadil xaaji Cabdi iyo dad fara badan aann halkaan lagu soo koobi karin.


isku soo wada duuboo kulankani aad iyo aad u qiimo badnaa ayaa waxa ka soo qeyb galay gabdho iyo wiilal Odayaal iyo aqoonyahano kuwaas oo kasoo wada jeeda Qowmiyada MAAY {DM} iyadoo goobtaas ay ka dhacday isbarasho ardayda dhaxdood iyo walaaltanimo taasoo ay golaha iyo dallada ay balan qaadeen in ay mar walbo walaalahoodii ay la garab taagan yihiin kaalmo iyo is caawinaad dhan walbo.
 
Ugu dambeyntii ayaa Dalada ay ku mideysan yihiin beelaha ku abtirsada DM (Ururka Ardayda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Suudaan) ay gudoon siisay shahaado sharaf iyo qadarin balaaran dadkii isku howlay howshani kuna sharaftay madasha.

 



Caadil Xaaji Cabdi “Caadil Raaxeeye”

caadil33@msn.com

Khartuum-Suudaan.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.