Bisha 6-aad:
Inta lagu guda jiro bishani,ciyaalka misaankooda wuxuu gaadhayaa ku dhawaad todoba kiilogaraam(7kg) dherarkoodana wuxuu noqonayaa (65 cm) .
Laga bilaabo bishani ilaa dhammaadka sanadka koowaad uma kordhaan in kabadan 70---120g todobaadkiiba waxayna karayaan inay fadhiistaan iyagoo aan la taaba galin,waxaana soo muuqda ilkaha hoose gaar ahaan labada ilik ee dhexe kuwaa oo loo yaqaano Foosha Hoose iyadoo laga yaabo inay kadib dhacaan taa oo ay ku xidhan tahay sida uu yahay caafimaadka ilmaha, sidoo kale waxay bilaabayaan inay la sheekeystaan isla markaana gartaan dadka aadka ugu dhow-dhow sida Hooyada, aabaha iwm iyadoo aan lakala garan Karin mise laka saari Karin waxa ay ku dhawaaqayaan wax yaabaha ay oronayyaan waxaa kamid ah:HIII HIIII HIIIII.
Waxaa yaraada hurdadooda oo ma seexdaan maalinta oo dhan marka laga reebo sedex saac (three hours) ilaa afar saac(four hours) ka hor mise kadib salaada duhur.
Waxaa wanaagsan in la siiyo raashiinka fudud sida Roodhida ciyaalka oo loo yaqaano Faarliis iyo lii macaanta.
Isla bishani waxaa suura gal ah inaysan isku kaadshin ama isku xaarin.
Fiiro gaar:waxaa wanaagsan in hadii ciyaalka loo xidhi jiray xafaayado in lagu tarbiyadeeyo inay iskoosa u kaadshaan ama xaaraan waayo hadii kale waxay caadeystaan inay isku kaadshaan waxayse moodayaan inay xidhan yihiin xafaayado.
Bisha 7-aad:
Sida caadada aheydba waxaa kordha miisaankooda oo wuxuu gaadhayaa ku dhawaad 7½kg.
Waxy bilaabayaan sida caadada ahba inay gurguurtaan laga bilaabo bishani waxaa haboon in laga ilaaliyo waxayaaba iyo meelaha halista ah (Dangerous things area) sida:suntan (poisons),dabka(fire) iyo wax walob oo dhib keeeni karo.
Bisha 8-aad:
Ku dhawaad 8kg ayuu gaadhayaaa miisaankooda.
Waxaana usoo baxa ilkaha sare gaar ahaan kuwa dhexe oo loo yaqaano foosha sare
wax horumar oo sidaa u balaadhan oo ay sameynayaan bishan majirto.
Bisha 9-aad:
8½ ayuu gaadhayaa miisaankooda sidoo kale bishani waxaa kordha dherarkooda oo wuxuu gaarayaa 70cm.
Waxaa laga yabaa inay isku dayaan istaagid iyagoo ku istaaga kuraasta mise gidaarada.
Sidoo kale waxay isku dayaan inay inay hadlaan oo waxay yiraahdaan BAA-BAA, MAA-MAA.
Bisha 10-aad:
Waxaa dhameystirma afarta ilko ee hora.
Wax isbadal oo sidaa u buuran oo ay sameynayaa ciyaalka bishani majirto.
Bisha 11-aad:
Waxaa intii hore uga kordha ½ miisaankooda.
Waxaa la arkaa in yar oo aan badneyn oo socod ah waa hadii lacaawiyo(hadii qacmaha laga qabto) taa oo ay ku xidhantahay caafimaadka ciyaalka.
Fiiro gaar: waxaa wanaagsan in mararka qaar oo kaliya qacmaha laga qabto oo aan lagu badin waayo hadii kale waxay la qabsanayaan in gacmaha laga qabto oo waxay ka baqdaan inay kaligood socdaan.
Bisha 12-aad:
Waxaa dhameystirma afarta ilko ee qeybta hoose.
Dherarkooda wuxuu gaadhayaa ku dhawaad 75cm, sidoo kale waxay horu mar kasameynayaan dhanka iyo miisaanka oo wuxuu gaadhayaa misaankooda ku dhawaad 9kg.
Caarif Sayid-Cali Xaaji Mayow