Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka fudud, iyadoo saakana ciidamada Dowladda KMG ah ay ka wadaan baaritaano xoog leh.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka garoonka Kubbada Cagta ee Kooxda Bariga Dhexe, iyadoo illaa iyo hadda wax faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Isku dayo badan oo ay Shabakadda AFGOI.NET la sameysay maamulka degmada Afgooye ayaa suurta geli waayey, iyadoo weli Shabakadda isku dayeysa in warar sugan ay ka keento dagaalkii xalay.
Dhinaca kale, Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa saaka degmada Afgooye ka bilaabay baaritaano xoog leh, iyagoo sidoo kalena xabsiga u taxaabay dhalinyaro badan oo ay ka qabqabteen wadooyinka degmada.
Degmada Afgooye ayaa waxaa caadi ka noqday xariga ay ciidamada Dowladda KMG ah kula kacayaan dhalinyaro oo aan waxba galabsan, iyadoo taas welwel badan ay ku abuurtay dhalinyarta iyo waalidiinta dhashay oo aan adeegsan Karin xitaa u dirsan Karin Suuqa.