Kooxo hubeysan ayaa xalay nin nabadoon ah ku dilay xaafada Howl Wadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Goobe, waxaana sidoo kale ahaa nin ka ganacsada xoolaha.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ay soo gaareen, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano ku aadan dilka nabadoonka.
Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ka dhaca dilal qorsheysan tan iyo intii ay la wareegeen ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.