Waad salaaman tihiin dhamaan akhristayaasha bogga AFGOI.NET meel kasta aad joogtaanba. Walaalayaal waxii tagay yaan dib loo raacin.
Haadan waa in aan raadinaa midnimada Aw Digil si wadajir in aan wax u wada qabano, maxaa yeelay keli keli u socod ama keli keli u fekir waxba waan ku gaari weynay.
Qoomiyadda Aw-Digil iyo dhulkooda waxaa soo maray taariikh mugdi ah oo ay ka koobneed boob, dhac, dil iyo xumaan nooc kasta ah.Dhulkooda khayraadka badan ee ku haboon beeraha waa la boobay, waxaa la soo dejiyey dadka kale oo laga keenay gobolada dhexe oo asal ahaan xirfadooda ahayd reer guuraa oo xoolo dhaqato ah, waxaa loo aasaasay Kurtun-Warey, Sablale, iyo Dujuma.
Dhalinyaradooda waxaa lagu qasbay in ay ka mid noqdaan ciidamadii dawladdii kacaanka ahayd, waa la raafi jirayn ilaa ay ka barakaceen dhulkooda oo magalooyinka waaweyn u guuraan sida Muqdishu oo ay ka noqdeen xamaali, renjiile, faryaamo iyo kuwa guryaha dhisaan.
Dagaaladii sokeeyana way uga sii dareen, dhulkooda waxaa qeybsaday qabaa''ilo ka tirsanaayeen dawladihii hore, xoog iyo hubkii dawladana ay la soo galeen dhulka AW-Digil oo boob, kufsi, dil iyo dhac u geysteen dadkeyna iyo dhulkeyna.
Ugu dambeyntii kolkii lagu bilaabay xoreynta gobolada qoomiyadda Aw-Digil oo ay ka mid yihiin Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, waan aragna waana la soconaa meeshii ugu horeysay ee laga soo galaayo dhulka qoomiyadda Aw-Digil oo ah degmda Afgooye waxii ka dhacay. Waxaa loo magaacabay maamulkiisa shakhsiyaad aan u dhalanin qoomiyadda. Barnaamijkaasi waxaa horseed u ah DFKG iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa is weydiin leh Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose, goormaa loo soo magacaabay in uu gudoomiye ka noqdo Shabeelaha Hoose.
Dawladii (Abdullahi Yusuf) iyio xukuumaddii markii hore soo magacaabeen mar hore ayaa waqtigeeda dhamaaday. Qoomiyadda Aw-Digil ma rabaan ninkan gudoomiyaha ka ah Shabeelaha Hoose inkasta uu u dhasahay AW-Digil (GARE), haddana waxa uu dabada ku wataa maamulkii hore oo u badnaayeen Habargidir iyo Hawiye kale. Dawladda KU-meelgaarka waxaan u sheegeynaa in ninkana gudoomiyaha ah la baddelo, dadweynaha Qoomiyadda AW-Digil ayaga ayaa xaq u leh qofkii ay ku kalsoon yihiin in ay soo doortaan, ka dibna DFKM ay ansaxiyaan rabitaankooda.
Qoomiyadda Aw-Digil, waxaa laga codsanaya in shirar deg-deg ah iskugu yimaadan meel kasta ay joogaan, si ay mustaqbalkooda iyo marxaladan kala guurka ah uga tashadaan. Beesha Geledi keligeeda yaan lagu fiirsanin dhibaatada lagu sameeyey. Haddii taasi dhacdo waxaa hubaal ah in beel kasta ay ku dhici doonto mida haadan Geledi lagu sameeyey mid ka sii fool xun. Shirar taleefona ah ayaa la sameyn karaa. Kuwa isku meelka degana waa in ay is arkaan oo shirar qabtaan oo aayahooda ka tashadaan.
Wa Billahi Towfiiq
Cabdi Saciid