Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Col C/laahi Cabdi Axmed Iideey ayaa sheegay in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Afgooye laga soo abaabulay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa tilmaamay in qaraxii shalay ay ku fashilmeen Xarakada Al Shabaab, isagoo intaa raaciyey in qaraxu uu ku dhintay oo kaliya ruuxii is qarxiyey.
Gudoomiye Iideey ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay mar walba isku dayeyso in ay dhibaateyso shacabka, isagoo xusay in mar kasta laga saaro goobo muhiim ah ay isku dayaan in ay ka fuliyaan qaraxyo.
Hadalka Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa imaanaya xilli maalintii shalay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo ay mas’uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Al Shabaab.