Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan Jaaliyada Reer Afgooye ee ku nool dalka Holland gaar ahaan magaala madaxdiisa Amesterdam ayaa ka dhacay dalkaas.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay Jaaliyad intaan la eg ay ka soo qeybgashay ee reer Afgooye ah ay isugu jireen aqoonyahano ,siyaasiyiin, waxgarad, odayaal iyo dhalinyaro iyo haween si wanaagsan loogu yaqaano degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Kasoo qeybgalayaasha oo dhan wajigooda ka muuqatay farxad iyo reynreyn ayaa si wanaagsan uga hadleen arimo muhiim ah ee quseeyo degmadoodi maadaama hadda ay la wareegtay dowladda Kmg ee Soomaaliya walow ay ka jiraan dhibaato ay haysto dadka shacabka ah.
Ugu horeyntii shirkaasi waxaa ka hadlay Eng Cumar Xaji Maxamed Cali asagoo wacyi galin iyo buraarujin u sameyey dhalinta inay wax u qabtaan dadkooda iyo dalkooda ayna waxbartaan maadama ay heystaan fursado badan aysan haysanin dhalinta dalka ku nool.
isla shirkai waxaa ka hadlay rug cadaaga Axmed Sh.Cusman Sh. Axmed Suldan asagoo ku waaniyay Jaaliyadda inay wax iska badalaan ay gacmaha ay is qabsadaan ayna midoobaan degmadooda ay hormariyaan maadama dalka iyaga sugaayo .
Waxyaalaha inta badan diirada lagu saaray kulankaani wuxuu ahaa waxbarashada iyo caafimaadka iyo hormarinta beeraha iyo isbortiga.
Ugu dambeyntii shirka waxaa lagu dhawaaqay in dhiso maamul wanaagsan oo wax ka qabta arimaha Reer Afgooye waxaana loo xil saaray guddi farsamo arintaan soo hagaajiyaan ka dibna lagu dhawaaqo gadoomiyaha Jaaliyada Reer Afgooye ee dalka Holland.
Dhanka kalane waxaa goobjoog ka ahaa haween oo u qaabilsanaa arimaha haweenka iyo hormarinta qoyska kuwaasoo ay hogaaminayeen Fardowso Guudle Maxamed iyo Sagal Cusman Axmed.
Odayaasha iyo dhalinyarada goobjooga ka ahaa waxaa ka mid ahaa:
1.ENG CUMAR XAAJI MAXAMED
2.SH.AXMED SH.CUSMAN
3.MAXAMUUD ADEN ABDULLE
4.C/LLAAHI XUSEEN SHARIIF
5.FARDOWSO GUUDLE MAXAMED
6.CISMAN XUSEEN “AWJUU”
%20%5B640x480%5D.JPG)






