Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Maxaa loo colaadinayaa reer Afgooye?!!! Qeybtii 1-aad. Axmed Sh. Cismaan Suldaan.
19/06/2012

Degmada Afgooye waa degmo qadiim ah oo taariikhdeedu dib ugu noqota ka hor soo ifbixii Diinta Islaamka. Waana afaafka laga soo galo gobolka Shabeellaha hoose iyo gobollada koonfureed ee dalka, kolka laga yimaado Muqdisho. Degmadu waa halkii ay ka unkantay, xaruna u noqotay Saldanada ama Boqortooyada Galadi ee taariikhda dheer ku leh koonfurta dalka Soomaaliya.

Waxay xuddun u tahay ama isku xirtaa gobolada koonfurta Soomlaaiya, waqooyi bari, koonfur bari Kenya ilaa koonfur iyo koonfur bari dalka Itoobiya. Taasoo gayeysiisay inay door muhiim ah ka ciyaarto Isgaarsiinta iyo wax isdhaafsiga dadyowga ku nool dhulkaa baaxadda leh ee aan soo tilmaatay. Waxaa kaloo caddeyn u ah inay raad ku lahayd dhulka aan soo tilmaamay iyo dadyowga deggan, suugaanta reer afgooye oo dheheysa; INTI IIMEEY ARLA GAALLA -- AMARKAADA LA ADEEGTI, iyadoo lagula hadlayey Suldaan ka mid ah Suldaanadii soo maray talada. Iyadoo bulshada lala hadlaayana la yiri; SOO JIREEN JADKII MINIID JIBISAAN -- JIMMA BAAJIFAAR YAA NIILA JIRAAYO.

Iimeey iyo Jimma ba waxay ku yaalaan dalka hadda loo yaqaano Itoobiya, oo wayaddaa hore loo yiqiinay Abisiiniya.

Dhulkeedu waa carrasan ku haboon tacbashada beeraha roobka iyo waraabka,kana soo baxa dalagyo/miro badan oo kala duwan oo daruuri u ah gudaha dalka, dibaddana loo iibgeeyo. Kaasoo kaalinta labaad kaga jira halbowlayaasha dhaqaalaha dalka Soomaalida. Waxaa mara Webiga Shabeelle oo inta badan sanadka biyihiisu ay joogto yihiin. .

Taasi waxay soo jiidatay indhaha dadyow fara badan oo gudaha iyo dibadda dalkaba leh si xiriir ganacsi ay ula yeeshaan sida Hindidii, carabtii iyo Iiraaniyiintii ee taariikhda fog xiriirka ganacsi la lahaa dhulka soomaalida,ugana faa''''''''ideystaan khayraadka Eebe ku manaystay dhulka ay xarunta ama xuddunta u tahay degmadan Afgooye. Kolkii damabena ay ku soo biireen reer Yurub, qarnigii sideed iyo tobnaad markuu hana qaaday Kacaankii Warshadaha, oo ay u baahdeen alaabo qeyriin oo ay u isticmaalaan warshahooda curdanka ahaa.

Waxaa soo gaaray degmadu socdaalo ay kala hoggaaminayeen saraakiishii reer Yurub ee ay ka mid ahaayeen Wlliam Christopher, Charles Gullain, Revoil, Antonio Cecchi iyo kuwa kaloo badan oo ay qoraaladoodiina ku caddahay muhiimadda ay u layad.

Wixii ka dambeeyay furitaankii Khooriga Suweys (Suez Canal) sanadkii 1869kii waxaa sii xoogaystay danihii ganacsi ee gobolkan geeska Afrika ay ku lahayeen reer Yurub, haddana degmadu waxay sii yeelay muhiimad balaaran. Waxaa badanaa safarada iyo socdaalada waagaa ay sameynayeen shisheeyihii dhulka imanayey ay ku ekaan jireen xeebaha dalka, laakiinse Afgooye mar waliba waxy ahayd meesha kaliya ee dhulka xeebaha ka baxsan ee dibadda xiriirka la lahayd, sida Saladanadii ka jirtay jasiiradda Zanjibaar (Zanzibar) ee hadda ka tirsan Dalka laysku yiraahdoTanzania ee waagii hore loo kala yiqiinay Tangnika iyo Zanzibar iyo kuwa kaleba, waxayna ahayd meel aad loo daneeyo imaanshaheeda iyo la xiriirka dadkeeda, waayadaa aan soo tilmaamay ilaa maalintan maanta ahba.

Degmadu dadka deggan waa tacabato had iyo jeer ku hawlan wax soo saarka xagga beeraha, xoola dhaqashada iyo ganacsiga. Waxay leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ku saleysan Islaamnimada iyo dhaqanka suuban ee aasaasiga u ah nabad ku wada noolaanshaha, deris wanaagga, martigelinta, magangelyada maatida dhibaateysan oo soo miciin bidda. Taasi oo ay hoggaan ka ahayd Saldanada/ Boqrtooyada muddada dheer halkaa ka dhisnayd ee suuragelisay in dadka gobolka iyo kuwii soo magangalayba ay danwadaag noqdaan, ayadoo xeerar dhagameedka soo jireenka ahaa la wada ilaalinayo laguna wada dhaqmayo. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xeerarka Gawaanka, Goofka, Galgasha,Garaarta, Gambiga, Guurka iyo kuwa kale oo la xiriiray. Meeshaasina ay ka aasaasantay ka gudbid qabiil, u gudbid dawladnimo (statehood), sida ka muuqata buugga ay qortay Virginia Luling ee ay ugu magac dartay GELEDI CITY STATE iyo kuwa kaloo fara badan ee ayagana wax ka qoray dadka iyo dalkaba, oo ay ka mid ahaayeen Barile, Ceruli, I. M. Lewis, J. Spencer, Lee Cassaneli, ka hor inta aysan soo faragelin gumeystayaashii reer Yurub ee Afrikada gumeystay. Waxaana caddeyn u ah habka maamulka siyaasadda iyo bulshadaba ee ay u dhisnaayeen, oo ka mid ah; Suldaan, Aqal sare (Ul haay) , Aqal hoose (Akhyaar), Ilaala(ciidan) Sagaalla(ciidan), Giraad, Malaaq, Culumo, Madda, Baxaar, Ma dhaafaan, Mukuli,Yarsin iyo kuwa kaloo fara badan oo mid walbana howhsiisa gaarka ah leeyahay.

Dadku waxay ahaayeen dad weligooda dib u dejin u sameeya, magangelyana siiya dadka ka soo carara colaadaha iyo abaaraha, dhexdoodana aan lagu dulimin, xeerar u gaar ahna ku dhaqi jiray ka hor inta aanan xeerarka qaxootiga caalamiga ah lagu heshiinin sanadkii 1952kii, ee loo yaqaano (Geneva Convention), Waxaa ka mid ah hal ku dhigyadooda : LANIIN SOO GUURAA- DAD MA AN GUURNO, CEELQODOOW CEEL WAYEER- OOMANOOW SOO AROOR. iyo tii murtida Soomliyeed lagu tilmaamay ee ahayd ; GAAFOOW GELEDI CEEL QODE IN LOO GUURO MOOYEE LAGAMA GUURO. Taasi oo laga soo xigtay nin joogay Iimay oo ku taala gudaha dalka Itoobiya, oo Awrkiisu u soo raranayey dhulkan, isagoo Awrka kala hadlayey dadka iyo halka u ay soo socdaan waxa lagu yaqaano iyo sida lagu yaqaano.

Intaasi ka dib waxtarkooda iyo wanaaggooda wuxuu u gudbay goboladda koonfureed intooda kale, waxaana maamulka iyo nidaamka is xaq dhowrka ku dhisnaa uu ku fiday laga soo bilaabo magaalada Muqdisho ee maanta caasimadda Soomaaliya ah ilaa meelo ka baxsan xudduudaha koonfureed iyo koonfur galbeed ee dalkan Soomaaliya maanta loo aqoonsan yahay.

Wanaaggaa iyo horumarkaa lagu talaabsaday meeshii loogu dayan lahaa, waxna loola qabsan lahaa, waxaa dhacday in loo quuri waayo, oo colaadin loogu bedelo. Waxaana ka mid ahaa sanadkii 1848kii kolkii ciidamo qabiileed ka soo duulay gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey nin lagu magacaabi jiray Xaaji Cali Majeerteen, ay weerar bareer ah ku soo qaadeen dhulka Saldanada hoos imanayey, ayagoo ku andacoonayey in jihaad lala gelayo dad gaala ah, kaalmana uga dalbanayey maamuladii waagaas ka jiray Jasiiradda carabta, taasoo loola jeeday dadka muslimiinta ahaa ee dhulka asalka u degganaa, si ayadoo magacaas la huwan yahay loogu xalaashado dhulkooda. Tiina laga hor tegay, meeshaanaa ciidankaa jab xoog leh loogu geystay, lagana difaacay dalka iyo dadkaba, sida ka muuqata buugga Captain Charles Guillain ee uu ugu magac daray Documents sur L''''''''Histoire, la Geographie et le commerce de la Afrique Orientale.

Way socotaa...

Axmed Sh. Cismaan Sh. Axmed Suldaan.

Balshafe@gmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.