Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
TAARIIKH-NOLOLEEDKA LAASHIN AXMADEEY CABDI CALI GAASHAAN. QEYBTII 6-AAD.
22/06/2012

Dhammaadkii sannadkii 1989kii, kacaankii waa jiitay, anigana waxaan u noqday Tuuladii aan ka soo guuray ee Cumar Beere. Aniga iyo carruurteydaba beer qotow ayaan galnay. Sannadku markuu ahaa 1992dii fannaaniintii waxay kala noqdeen laba qaybood qaar Waqooyi degay iyo qaar koonfur degay. Kuwii Waqooyi ayaa xoogaa lacag ah helay, kuwaasaa ii soo diray adeeg kaddibna aan ugu imid Kaaraan. Xoogaa lacag ah ayay i siiyeen kuwii ayaan ku soo gatay xoogaa badar ah. Galab khamiisaad anigoo wata badarkeygii gaari aan la socday oo soo marayay SINAI ayaa xabbad la inagu soo tuuray xabbadihii waxay iga qabteen lix meelood, anigoo baabuurka dhex yaala ayaa nin ku soo noqday baabuurta, waxaan iri ninyahow wax ii qabo, ninkii wuxuu I yiri war hoy aniga waxaan raadsadowhaayaa alaab baabuurka ii fuushay kumana caawin karo. Shufeerkii baabuurka ayaa kaddib ku soo noqday baabuurka oo aan iri ninyahow ii kaalmee oo I gee Cusbitaal weyn. Shufeerkii wuxuu igu yiri waxaan ku geynayaa Farmashiye. War famashiye ma I anfacaayee I gee cusbitaal weyn.

Markaan wax badan wada hadleynay, ayaan iri war aniga dadkeyga meeshan ma joogaane I gee Cusbitaal weyn. Markaasuu I iri horta adiga magacaa, Waxaan iri waxaa la I yiraahdaa Axmadey Cabdi Gaashaan Markaasuu soo booday oo yiri; Oo ma waxaad ahayd fannaankii weynaa, intuu booday ayuu soo qabtay mooryaankii oo yiri waxaad dishay fannaan weyn. Intuu isu kaaya waday ayuu ii geeyay bar iyaga laga xukumayey oo la iiga qoray dhibka I gaaray. Wuxuu kadddib igu yiri; Axmadeyow haddii aad dhimatid Allaha kuu naxariisto haddiise aad nooshahay halkan u soo doono dhiiggaaga. Markaasaan iri; Naftii waartaa Nebi suurtee mar uun I gee Cusbitaal kaddibna wuxuu I geeyay Keysaney.

Keysaney waxaan kula kulmay saaxiibbo badan sida nin reer Marko ah. Waxaan soo xusuustay maahmaah oraneysay:

Abaal raaga raggaa iska leh
Mid soo deg degana duunyaa iska leh
Midaan jirinna naagaa iska leh.

Waxaan u soo qaatay maahmaahdaan, waxaa jiray nin takhtar ah oo la oran jiray Aadan Xeydar oo xilligii aan Agaasimaha ka ahaa Tiyaatarka, maaddaama aan habeen kasta oo la sameynayo riwaayad aan ku lahaa 2 kursi, intuu ii yimaado aan siin jiray labadaas kursi isaga iyo xaaskiisa. Markii isbitaalka la I geeyay Aadan oo ah Madaxa Bankiga Dhiigga ayaa loo sheegay in la keenay nin dadkiisa aan joogin dadkiisa magaalada Xamar, sidaas ayuu ku soo dhiibay laba bac oo dhiig ah, wixii meesha joogayna way ii soo gurmadeen. Waxaa kaloo ii soo gurmaday dhammaan fannaaniinta sida kuwo iyagana dhiiggooda iigu tabaruceen sida; Axmed Abuukar Maxamed Abuunaa iyo Faadumo Cagabuur kuwaasoo iyagana aan ilooobi Karin.

Fannaaniintu waxay abaabuleen riwaayad taakuleyn ah waxayna dhigeen riwaayaddii shan iyo tobankii Shuumey oo lacag fara badan ay iiga keeneen. Markaan soo baxay waxaa la I keenay gurigii walaashey Faadumo Cabdi Cali oo ninkeedii isna aanan ilaawi Karin oo sariirtiisa iiga kacay. Bil kaddibna waxaan ku noqday Tuulada Cumar Beere. Sidaas ayaana Soomaalida wax ula qaybsadaa.

Xilliyadan lagu jiro oo wax walba ay isbeddeleen, wax badan oo la xiriira hawlaheyga ma qabanin, waxaa jiray gabayo dhowr ah anigoo is ilaalinaya waxaana ka mid ah:

KII KOWAAD

Adduunyadaan tub dagaal noqotay iyo
Meel la isku tiblaayo
Adduunyadaan tacabkii la nacay
Oo tuuganimada la isugu faanaayo.
Oo shan iyo toban jirkeeda
Dagaalka loo darbinaayo
Adduunyadaan toddobaatan jirkeeda
Nabadda aan ka talineynin
Adduunyadaan tafaraaruqa badanoo
Towfiiqeeda kala guuray
Tahluukadeeda ma yaree
Noo toosi Allow
Taluuliye dhulkaw ka kacaa
Cirkow toobab geynaa
Tako tako geedahaa lagu koraa
Tiikow ciyaar waaye
Tiir jabay mundulkiisa
Marna ma toosaayo
Talo xumo ninkeeda
Waa tacab khasaaraa
Tilmaan waalid nin diidayna
Tahluukaa u dambeyso
Ummaddii towfiiq aan oggoleyne
Tafaraaruqaa u dambeeya
Waa tan maanta aan taaganahay oo kalee
Noo toosi Allow
Tuke caanaha nasiibkiisa waa oogu tagaa
Haddana tartiib ow ku cabaayo malehee
tafahow ku daadshaa
Tariinkii dowladnimada Soomaaliyey
too gaaban aan tunkiisa ku fuulnay
Haddana tiirkii midnimada ma adkeynine
Qabiilaa naga soo tuuray
Ee tala keen nin aan ahayn,
Talo raacna aan ahayn
Tiisna aan yeeshan Karin
Waxba kuu tari mayo
Taano kaa dhacday waaye
Waa leyska tuuraa

KII LABAAD

Ta’leyda gabay aan tilmaanteeda caddeeyee
Maradaan naga tariiqantayoo
Taako iyo dhudhun jeexan
Sidii loo toli lahaa waddanigay u taalaa
Tusbaxaan naga kala go’ay oo
Halba meel lagu tuuray
Sidii loo tixi lahaa waddanigay u taalaa
Ummaddaan kala tagtay oo
Tobanba meel qaxooti u taagan
Shisheeye tuugsadowhaayo
Tabtii laysugu keeni lahaa waddanigey u taalaa
Qarankaan tabaaleysan
Oo calankiisa turaabta u sii jeeda
Sidii loo toosin lahaa waddanigey u taalaa.

KII SADDEXAAD

Xilliga iyo sannada iyo waqtigaan xujada taal
Xagayga iyo roobka iyo jiilaalka xanfar mooge
Maanyada soo xunbo tuureysiyo webiyaasha xoog ku soo fatahaaya
Xasillooni la’aanta iyo nabaddaan leyska xabaalay
Xarbi sukeeyahaan badan oo xinjirta iyo dhiigga daadaayo
Xanaagga iyo kibirka oo maatada loo xasuuqaaya
Xabbadaha jiibka iyo hoobiyaha leysku xaraashaayo
Xakaarka iyo macluusha iyo gaajada xad dhaafkeeda yareyn
Oo xaarinkii mininka yaalay iyo xaniintiisaba colooween
Carruurtii xayeesiga noqotay oo xiiqleyda caateysay
Oo aabbihii u xoogsan lahaa xirfaddiisa macno beeshay
Xan iyo fadhi ku dirir xaafadaha la wareegaaya
Xoolo boob iyo dhac iyo xaaraantaan la jecleystay
War xalaashaan la nacayoo boolliga lagu xarakoonaayo
Xariifka iyo xarfaantiisa oo jidka isbaaro ku xeerteen
Waa xarash iyo madaxe naar ka bood
Xoolahaada ku dhaaf dhahaayaan
Xiddigada Diinleyda intii Xamar xaniin fay
Xariiqanta cagaaran iyo xaafadahaan la kala gooyay
Ummaddaan kala xanibanoo kooxba meel ku xareysan
Oo xididkii dhalashadooda iyo midnimadooda la kala xooray
Oo xumaan iyo godob la dhex dhigayoo xabbadaha isku gaadaaya
Leh Xaliimo caddeeyaa la kufsadee Xaawo luul aan oogu aarno
Leh Xuseen Geeseyaa la dilee Xasan Kuus aan oogu aarno
Xaajiyo iyo basaa lanaga dhacaye xoolo nool noo soo xareeya
Intaasoo isku xeran xiddiggooda qabiil waaye
Ummadyahay aan iska xoornee, xornimada Soomaaliyeed
Xididkeeda ha la adkeeyo.

Intaas ayaan tiriyay, maxaa yeelay waxaa la yiri; “Indho hortooda wadnaa cabsadee” waan iska cabsaday. Waxaa kaloo aan sameeyey hal cajalad oo aan uga hadlaayey dhibaatooyinka dagaallada iyo dhaqammada kale ee jira. Laxamkooda waxaan ka sameeyey ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed noocyo fara badan oo ka mid ah.

Waxaa ka mid ah mid aan ka sameeyey ciyaarta Buraanburka loo yaqaan sida:

Ay hoobalee ay hoobalee ay hoobalee
Ay hoobalee ay hoobalee hoobey haddaba
Jidkooyo ii jiiraan dhibkiis jeer walba socdee
Kan jeebadee kan jiib ku tuur jabhad maahinee
Jamalee colaad waa lagu jabaa soomaaliyeey joog

Ay hoobalee ay hoobalee ay hoobalee
Ay hoobalee ay hoobalee hoobey haddaba

Waxaa kaloo ciyaaraha aan laxamkooda soo qaatay ka mid ah ciyaarta iyana loo yaqaan Hoobilow, sidoo kale, Hurdadiidka, Walasaqo ka mid waaye.

LA SOCO QEYBTA 7-AAD.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Fowziya “ Dhalinyarada oo shaqo loo abuuro waa horumarka Dalka
26/11/2013
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUN
10/11/2013
SIMINAAR 6 MAALMOD SOCDAY OO MANTA LAGU SO GABAGABEYEY DAGMADA AFGOOYE
23/10/2013
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.