Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay Hotel SAHAFI ee magaalada Muqdisho ayadoo xafladaasina ay ku qalin jebinayeen Arday tiradoodu gaareysay 30 kuwaasi oo iyagu mudo Afar sano ah wax soo baranayey Jamacadda Mogadishu.
Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Muqdishu ,waalidiin, iyo Ardayda qalin jebineysay waxaana ay Ardaydaasi ka qalin jebiyeen Kuliyadda Computer Science .
Diiwan hayaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Liiban oo Xafladda khudbad ka jeediyey ayaa Ardayda ku ammaanay sidii ay Waxbarashadooda ugusoo dhabar adeegeen waxaana uu xusay in macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Mogadishu aysan waxba hagran Ardaydan mudadii ay waxbaranayeen isagoo sidoo kalena ku guubaabiyey dhammaanba Ardayda waxbaraneysa xiligan iney ku daydaan walaalahooda guusha ay gaareen.
Jaamacadda Mogadishu ayaa iyadu ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho , Bosaaso, Hargeysa, waxaan sidoo kale ka hadley Xog-hayaha Kuliyada Computer Science & IT Mudane Hassan Kafi iyo Madax kuliyada Computer Science & IT Dr. Mohamed Hassan waxaa sidoo kale meesha ka hadley Dr. Mohamoud Sheik Ali ahna masulka arimaha ardeyda ee jamacadda Mogadishu.
Jamcadda Mogadishu sanadka waxay ka mid noqotey jamacaddaha Africa ugu sareya waxayna gashey kalinta 29 aad.

















Mohamed Osman Naastaro
Mogadishu Universtiy
Somalia- Mogadishu