Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Waa Maxay Laab-jeex? Maxaana lagu daweeyaa?
24/06/2012

Laabjeex iyo gaastrikada waa xanuun ay sababto aashitada caloosha. Dadka qaba dhibkaan waxay sheegayaan inay cunooyinka qaarkod uga darto sida waxylaaha la shiilay, suugada, basbaaska ama cabitaanka aashitada leh.

Badanaa qofku waa iska fiicnaadaa maalmo kadib hase yeeshee waa soo noq-noqotaa waxaana la socon kara labo-labo iyo caloosha oo hurta. Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin inay ka fogaadaan cunooyinka hibaya isla markaana qaataan kaniini hoos u dhigta aashitada sida Zantac ama Losec. Waxaa haboon inaad dhakhtar u tagtid haddii calaamaduhu aad u daran yihiin, ama ay isbadalaan ama aad ku fiicnaan waydo daawooyinka aashitada yareeya.

Dadka aysan calaamadahoodu uusan darnayn ama ay marmar ku dhacdo waxaa ku filan maalmo ama isbuucyo ay qaataan Losec (Omeprazole) hal mar maalintii quraacda ka hor ama Zantac (Ranitidine) laba jeer maalintii. Dhakhtar la tasho haddii dhowr maalmood kadib aadan ku fiicnaan daawooyinkan, ama ay isla markii la joojiyo daawada ay calaamaduhu soo noqdaan.

Calaamadaha aashitada caloosha waxay mararka qaarkood shabahi karaan kansarka caloosha ama jadiinka sidaas darteed waxaa haboon inaad dhakhtar u tagtid haddii calaamadahaas ay kuu dheer yihiin arimahan soo socda:

o    45 sano jir iyo wixii ka sii wayn oo ay calaamadahaas ku cusub yihiin, ka soo darayaan ama ay isbadaleen

Dadka ay u weheliyaan calaamadahaan soo socda da’day doonaan ha jiraane:

o    Caatow ama miisaan lumid aan lagu talagalin

o    Dhiig yaraan (aneemiyo)

o    cunada oo jadiinka ku istaaqta, laqitaanka oo lagu dhibtoodo ama xanuun la socdo

o    Matag, gaar ahaan mid dhiig la socdo

o    Horay u qabay nabar caloosha ama laga qalay.

o    Cagaarshow ama maqaarka oo cagaar noqda

 

Haddii aadan hubin xaaladaada fadlan u tag dhakhtarkaaga ama anaga nala soo xiriir si aan talo dheeraad ah kuu siino ama kuugu diyaarino tuubada caloosha lagu soo fiiriyo (Endoscopy).

Losec (Omeprazole)

qaado hal ama laba kaniini nus saac quraacda ka hor

Zantac (Ranitidine)

Qaado hal kaniini laba jeer maalintii, quraacda iyo cashada




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.