Sida aan wada Ognahay dhibaatada Soomaaliya kajirta waxaa eey wada saameysay dalka oo dhan marka laga reebo deegaanada qaarkood oo xoogaa yara xasiloon,balse inta badan Goboladda koofureed gabi ahaan inka badan 20 sanadood ma laheyn xasilooni lahubo habayaraate.Waxaase dhici jirtay in qaxa iyo abaaraha eey Joogta u ahaadaan Qowmiyadaha dega Koofurta Somalia.
Hadan si gaar ahaaneed uga hadlo Mushkiladaha joogtada ka ahaa 22 kii sano ee lasoo dhafay Degmada Afgooye waxaan dhihi karnaa waxaa ku dhacay degmada Afgooye Bur bur heer Caalami ah aadna uga fog sida laqayaasan karo.waxaa gabi ahaanba la burburiyay Goobihii wax barasho,kuwii danta guud,warshadihii,xafiisyadii Doowladda,Bankigii Dhexe ee Degmada,Buundooyinkii oo ku dhawaaday in Gabi ahanba eey gabaan isticmaalka,wax kale iska dhaafe xataa waxeey ku sigteen masaajidda qaarkood ineey burbur dartii u xirmaan,sidoo kale Isbitaalkii Guud e Degmada oo xirnaa Muudo kabadan 10 sanadood ayaa ugu danbeyntii eey dadka deegaanka xil iska saareen dibna boorka uga jafteen.
Hadaba waxaa muhiim ah in leys weeydiiyo hadii Magaalo burburka intaa le''eg uu ku dhaco intee in le''eg ayuu sameyn karaa Shacabka ku nool Magaladaas?Maxaana ka dhalan kara?Dabcan jawaabta wa iska cadahay oo sadar muuqda Su''aal ka dhan,jawaabta rasmiga ahna waxa ka bixin kara Dadka deegaanka kasoo jeeda ee ay lasoo daristay nasiib darrada intaa le''eg.
Hadaba waa kan Mid kamid ah Dhalinyarada Deegaanka kamid oo ka faaloonaya jawaab waafi ahna naga siinaya Cismaan Sheekh Axmed Cumar wuxuu hadalkiisa ku Bilabay ( Hadaan nahay Dadka deegaan ahaan kasoo jeeda Afgooye waxa nagu dhacay waa wax aan Soomali dhan la qabno balse anaga waxaa noo dheer in Afgooye eey Gacanta u gashay xoogna ku qabsadeen dad aan kasoo jeedin deegaanka una arxan sameeynin,sababtoo ah qofka meesha uu kasoo jeedo deegaan ahana ama uu ku dhashay weey kala xanuun badan tahay deegaanada kale,hadaba waxaa dhacday in dadkii lagusoo duldagay deegaankooda in laga baabi’iyo dhamaan Kaabayashii dhaqaalaha,in laga burburiyo Goobihii danta guud ha ahaadeen Iskuuladii,isbitaalkii oo labililiqeystay iyo xarumihii doowladda deegaan laga dhigtay qaarna laburburiyay dhulkoodiina laga dhigtay Goobo ganacsi aan naf laheyn sida maqaayado yar yar iyo wax lahalmaala.Intaasoo dib u dhac ah iyo burburin ah ayaa waxeey sabatay inaan ka naafoowno dhanka wax barashada illaa marki danbe aan anaga iskuulo si gaar ah looleeyahay aan u furanno Ubadkeena,sidoo kale waxaan ku qasbanaanay inaan ku dhiiran karin muddo dhowr iyo sano ah in aan Magaalada wax maal Gashi aan ku sameysan taasoo iyana sababtay in dhaqaalaha magaalada oo si aad ah hoos uga dhaco heerkii laga filaayay.Marka lama soo kobi karo dhibaatada iyo saameynta aan ka dhaxalnay Burburkii baahnsanaa ee ku dhacay Afgooye Cadde,mana aha burburkas mid an anaga sababteeda leenahay oo maaha mid dadka maxalliga ah uu kayimid ee waa naloo geystay,waana mid aan loolaaban doonin,Insha Allaah waan ka tashanay sidaan uga gaashaaman laheyn noloshii nasoo martay oo kale ineey so laabato.)ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cusmaan Sheekh Axmed Cumar oo ah mid kamid ah dadka deegaanka Afgooye .
Hadaba ra''yi aruurin aan sameeyay dadka deegaanka Afgooye u dhashay sida looga soo kaban karo burburkaas gaaray Afgooye oo dabcan ah magaalo istaraatiiji u ah isku xirka iyo ganacsiga Caasimadda Muqdisho iyo Goboladda Koofurta Soomaaliya.sidoo kale waxaan wareeystayy aqoonyahanno khibrad dheer u leh arrimaha bulshada ayaa waxaa iisoo baxday in xalka Dadka Deegaanka Afgooye uu ku jiro dabcan Tala saarashada Allaah kacabdi qodobadaan soo socda:-
1) Waxaa Hubaal ah in dadka reer Afgooye oo deegaan ahaan leh degmada Afgooye eeysan aheyn dad sii kala jeeda oo uu naceyb dhexyaalo ama dagaalo uu dhexmaray taasna eey sahli karto wax wada qabsigooda loogana baahanyahay ineey fahmaan oo is jaceylka iyo walaalsiga uga duwanyihiin Beelaha kale ee Soomaaliyeed.
2) In Loo baahanyahay in la dhoowro Midnimadda iyo kawada shaqeynta danta guud.
3) In laga fakaro sida loo badbaadin mustaqbal Jiilka soo koraayo.
4) In Gunta Looga danbeeyo wixii quseeya xalinta mashaakilka iyo dhaqankaba.
5) In lasameeyo Guddiyo ka kooban aqoonyahanno kuwaasoo ka shaqeeya Arrimaha wax barashada,caafimaadka,Siyaasadda iyo Harumarinta Deegaankaba.
6) In aan lagu haleyn Maaulka Degmada ee Xukuumadda Maareynta iyo habmaamulka degmada.(qodobkaan wuxuu qeexayaa inaan haba yaraatee kalsooni lasiinin maamulkasta oo ey xukuumadda uso magacaabato degmada loona saamixin inuu isaga tagri falo Maamulka degmada taasoo macnaheedu yahay in lasameeyo Guddi lasocda hab dhaqanka iyo Maamulka Madaxda degmada).
7) In lagula xisaabtamo Maamulka degmada sida uu u maareeyo dhaqaalaha kasoo baxa degmada iyo halka eey maraan.
8) In si taxadar leh loola socdaa waxqabadka Maamulka degmada.
9) In sadexdii Biloodba mar laga Codsado Maamulka degmada inuu Horyimaado Golaha deegaanka degmada si loogala xisaabtamo wax qabadkiisii sadexdaas bilood.
10) In Xooga lasaaro sidii loo horumarin lahaa iyo tayada wax barasho ee ardayda wax kabarata degmada Afgooye.
11) In dadka ku nool Afgooye uu isku tashto una istaago ineeysan dibdanbe u dhicin qaladaadkii dhacay ee lasahladay,si weyna uga feejignaadaan cidda eey talada Deegaanka ku aaminaayaan.
12) In Gunta,Aqoonyahannda,dhalinyarada iyo Haweenkaba eey kamideysnaadaan Difaaca,Horumarinta iyo aayo katalinta deegaanka.
13) In si weyn looga hortago cidkasta oo isku dayda ineey hor ustaagto danaha deegaanka.iyo cidkasta oo lidi ku ah Nabadgalyada deegaanka.
Waxaa sii dyaariyay Qormadaan.
Bile Cumar Sheekh Cadde.
Email:bakaaro76@hotmail.com
Trondheim\Norway.