Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
TAARIIKH-NOLOLEEDKA LAASHIN AXMADEEY CABDI CALI GAASHAAN. QEYBTII 7-AAD.
30/06/2012

Riwaayadihii aan sameeyey

Riwaayadaha sidoodaba waxaa laga sameeyaa qisooyin dhacay, kuwo dhici doona oo la saadaalinayo iyo kuwo markaas dhacayaba. Waxay u kala baxaan dhowr nooc, sida waxaa kuu imanaya qof aad saaxiib tihiin ama ku yaqaanaba, wuxuu ku sheegayaa in ay qisad ku dhacday markaas ayuu kaa codsanayaa in aad sheekadaa isaga ku dhacday Masraxa u saartid si looga faa’iideysto. Sidoo kale, wax adiga laftaada abwaanka ah kugu dhacay, ha ahaato jaceyl gabar aad wadaagteen, ha ahaado mid adiga gaar kuu ahaa, dhibaatooyin kale oo dhaqameed iyo kuwo kaloo fara badan.

Aniga riwaayaddii iigu horreysay oo aan sameeyo waxay ahayd JACEYLKII LUUL IYO LEYLA, waxaana sameeyey sannadku markuu ahaa 1975kii. Riwaayaddan waxaa sheekadeeda iila yimid nin la oran jiray Muxyaddiin Xaaji Cabdi (Alle ha u naxariistee) isaga ayaana I yiri sheekadan ayaa iigu dhacday Laashimow bal iigu sameey ereyo iyo heeso. Sheekadii ayaan ka qaaday Muxyaddii waan habeeyay ereyo iyo heeso ayaan u sameeyey sidaas ayay ku noqotay riwaayaddii iigu horreysay ee aan Masraxa soo saaro.

Waxaa isla markiiba iigu xigay riwaayad kale oo uu iyana sheekadeeda ii keenay nin la yiraahdo Cabdulqaadir Nuuraani oo atoore ka ahaa riwaayaddii ugu horreysay ee aan sameeyey. Sheekada Cabdulqaadir markaan dhuuxay oo aan dhinac walba ka eegay waxaa ii soo baxday in aan ku magacaabo U SAMIR AMA KA SAMIR Sheekadan waxay dulucdeeda ahayd Naag waa loo samraa ama waa laga samraa. Waxaa heesaheeda ka mid ahaa Fanaxley Faceeda ka Roon heesta la yiraahdo oo ay ku wada luqeynayeen Aweys Qamiis iyo Faadumo Qaasim.

Riwaayaddeydii saddexaad ee aan sameeyey waxaa la oran jiray CUDUR IYO CAASHAQ KEE BAA CULUS waxaana sheekadeeda iila yimid nin la oran jiray Abuukar Maxamed Sheekh (Alle ha u naxariistee) sheekadana isaga ayay ku dhacday, sidoo kale ayuu iga codsaday in sheekadaasi aan u habeeyo masraxana u saaro. Riwaayaddan waxaa ku xigtay mid kale oo la oran jiray GUUR WAA NASIIB EE GACALKA HA ISKA BOOBIN, waxaana sheekadeeda iila yimid nin la yiraahdo Cabbaas Cusmaan Idiris. Afartaas riwaayadood oo isku xigay waxay ahaayeen kuwo ay iila yimaadeen saaxiibbo waaweyn oo mid kasta uu ku dhacay dhib asaga u gaar ah.

Intaas kaddib, waxaan sameeyey riwaayad kale oo magaceeda la oran jiray SHAN IYO TOBANKII SHUUMEY. Sheekada riwaayaddan waxay ahayd mid aniga igu dhacday. Heesaheeda, ereyadeeda iyo dhammaan qaybaheeda kale aniga aniga ayaa sameeyey. Sheekadan haddii aan si kooban uga hadlo. Waxaan guursaday gabar aan aad iyo aad isu jecleyn. Muddo laba sannadood ah markii aan wada joognay, waxaa nasiib darro dhacday gabadhii in wax saa’id ah laga waayo. Dhammaan qaraabadii ayaa waxay isla dhex qaadeen in gabadhu ay tahay Ma-dhasho sababtuna ay tahay iyadoo meherkeedii hore la qalday maaddaama ay habeenkii la mehrinayey taariikhdu ay ahayd 15, sidaa darteedna loo baahan yahay in la iska furo, gabar kalena la igu daro. Arrintan aniga way ii cuntami weyday, wax kastoo dhacana waxaan ku tala galay in aan ku adkeysto go’aankeyga. Muddo markaan wada joognay gabadhii waxay ii dhashay wiil.

Riwaayaddan sida aad magaceedaba ka dheehan kartaan waxay kaloo ka hadleysay sida ay nimanka faalowlayaasha ah ay u yihiin quraafaad oo wax ay ka sheegi karaan mustaqbalka aysan jirin. Sida badan dadka dega Jiin webiga waxay leeyihiin culumo u gaar ah oo ka hadasha in ayaamaha qaar ay yihiin nuxuus sidoo kale bisha 15keeda leyska arooso iyo kuwoo badan oo la mid ah. Sidaa darteed, riwaayadda gudaheeda waxaa ka mid ahaa geeraar aan tiriyay oo oranayey;

Ayaan waa ayaan Ilaahay
Axad iyo Isniin ma kala ijaabo roona
Abshirtooda hal waaye
Arbaco mugdi u dambeysa iyo
Bisha 15keeda yaan leys aroosin
Eebbahey ma iraahin aaddinkaa caadeystay

Riwaayaddan waxay ahayd mid ay dadweynaha aad uga heleen Waqooyi iyo koofurba.

Riwaayaddan kaddib waxaan sameeyey riwaayad kale oo ka hadleysay xaalad markaa soo korodhay. Sida aad la socotiin, 1980maadkii waxaa soo baxay in gabdhaha ay yiraahdaan ma guursaneyno nin aan Villo, alaab wareeg iyo baabuur heysan. Sida badanna inta heli kartay labadaas shey way iska yiraayeen inkastoo xaaladda dhaqaale ee dalka uu aad isaga fiicnaa. Haddaba maaddaama inta badan dhallinyaradu aysan awoodin in ay is dul saaran shuruudahaas faraha badan, waxay taasi keentay in guurku uu dib u dhaco. Arrimahan waxaan ka allifay riwaayad aan ugu magac daray GUURKA MAXAA GADAAL U DHIGAY. Runtii wax badan kama xusuusto geeraaradii riwaayaddaasi ama heesaheediiba waayo waqti gaaban markaan dhignay safarro ayaan aaday, waxaase heesaheeda ka mid ahaa;

Doqonnimoy dabkaa be’
Kaniinigeyga adwaaye korkaad u roon tahay
Yaa biyo kaa dhigo barqadaan aan ku cabbee
Beerkeyga jaceylkaan baabi’iyowhaayo aad soo booqatide

Riwaayaddan waxaa ku xigtay tii la magac baxday LIBINTII GUURKEYGA LIBAAX BAA LIQAY taasoo ka hadleysay in guurkeygii uu cunay gabadha aan rabay aabbaheeda. Gabadha ayaana ku luuqaysay hees ay uga hadleysay aabbaheeda iyadoo dheheysa;

Meel libaax soo galay lo’ ma joogeysee
Waa la kala liixiyaa liin iyo caano
Leylow leylow yaa leyla.

Waxay ahayd riwaayad aad u cajiib ah waxaana ka shaqeynayey saddex Maxamed oo ku dagaallamaya gabar iyo xoolo ay dhaxal u heshay. Riwaayaddu siyaasadna kama marneyn.

Riwaayaduhu waxay dabadeed isu daba joogeen;

GALADDII JACEYLKA ADIGAA GUDAN WAYDAY
WARBIXINTII JACEYLKA
KIBIRKII BEERTAA KARFAN SAARAY JACEYLKA
SHAN U YAR HA II SHEEGIN

Dhinaca heesaha markaan eego hees aan sameeyo waxaa iigu horreeyay hees magaceeda la yiraahdo MA KUU IMAANAAYO, ereyadeeda waxaa ka mid ahaa;

Wiilka oo leh;
Udgoon badaneey ii imaaw ii imaawee
Oggol ii ahaaw ii imaaw
Gabadha oo leh;
Ma kuu imaahaayo
Waa ku arkay waa ku caashaqee aad waddaa ma kaa ajiibaayo

Heestan waxaan ku sameeyey Tuulada Cumar Beere, waa intaanan soo gelin magaalada Muqdisho. Intaan keenay waxaana u dhiibay Axmadey Abuubakar iyo Luul Jeylaani.

Intii aan ku gudajiray sameynta heesaha iyo riwaayadaha, waxaan sidoo kale door muhiim ah aan ku lahaa tababaridda iyo soo saaridda fannaaniinta. Waxaa xusid mudan in fannaaniinta qaarkood inkastoo ay hore ugu guda jireen hawlaha fanka haddana markaan soo galay fanka aan u kordhiyay xirfaddooda faneed, waxaa jiray qaar doorkii ay ku lahaayeen fanka sida heesaa ama jilaa aan ugu kordhiyay xirfado kale oo faneed, sidoo kale waxaa jiray kuwo aan aniga ku billaabay. Tusaale ahaan; Fannaanka weyn ee Aweys Qamiis wuxuu ahaa fannaan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka tirsan waxaa intaa u dheeraa Shareerada oo uu u tumi jiray barbaarta ciyaarta Nuumbiga. Hase yeeshee markaan ku soo biiray fanka, waxaan u dhiibay heeso fara badan oo Banaadiri ah kuwaasoo uu si fiican ugu soo shaac baxay. Heestii
ugu horreysay oo uu ku luuqeeyay Aweys waxay ahayd heesta magaceeda la yiraahdo Shoobaa ii shashabley iila ciyaar oo ay Faadumo Qaasim la qaaddo, waxayna ka mid ahayd heesihjii riwaayaddii Jaceylkii Luul iyo Leyla. Heestan si fiican ayuu ugu soo shaac baxay Fannaanka. Heestii labaad ee uu qaado waxay ahayd Faraxley Faceeda ka Roon. Aweys Khamiis isaga ayaa afkiisa ka qirtay, una sheegay warbaahinta doorkii firfircoonaa ee aan ku lahaa soo shaac bixiisa.

Waxaa kaloo ka mid ahaa fannaaniintii aan soo saaray Madiino Cabdi Cali gabadha la yiraahdo heesaa ahaan aniga ayaa u soo saaray, Sultey Maxamed Sheekh (Qosol wanaag) aniga ka dhigay heesaa, sidoo kale, Cumar Nuur Baa-sharax.

Axmadey Abuubakar Mubaarak wuxuu ahaa heesaa qaada heesaha reer waqooyiga hase yeeshee heesaha banaadiriga aniga ayaa markii ugu horreysay u dhiibay. Cabdullaahi Amiir Aw-kuuku, jilaa ma ahayn markii ugu horreysayna aniga ayaa u dhiibay aktar ahaan. Khadiijo Qalanjo atariisho ma ahaan jirin waxayna markii ugu horreysay atariisho ka noqotay riwaayaddii Shan iyo Tobankii Shuumey. Sidoo kale, Fannaanadda weyn ee Feynuus Sheekh Daahir waxay atariishada labaad markii ugu horreysay ka noqotay riwaayaddii Jaceylkii Luul iyo Leyla waxaana ugu xigtay oo ay atiirashadii kowaad ka noqotay Guur waa nasiib ee Gacalka ha boobin iyo riwaayaddii Cudur iyo Caashaq kee Culus. Waxaa kaloo ka mid ahaa Xaliimo Hillaac, Xakiimo Caalin sidoo kale Khadro Maxamed Cabdullaahi oo atiirashadii riwaayaddii Kibirkii beertaa karfan saaray Jaceylka. Dhammaan fannaaniintaa aan kuu soo sheegay waxay noqdeen kuwo sida aad ah looga jecel yahay fanka gudihiisa loogana qaddariyo.

Runtii ma ahan wax aan soo koobi karo heesihii guud ahaan aan sameeyey, hase yeeshee waxay isugu jireen kuwo waddani ah oo ka sheekeynaaya wax soo saarka, kuwo jaceyl ah oo gabar lagu amaanaayo, guumaar leh oo gabar la isaga riixaayo iyo kuwo ka hadlayay marxaladda markaa jirtay.

Intaanan ka soo bixin Tuuladii aan ku dhashay, gaar ahaan 15 jir ilaa 17 jirkeygii, waxaa jiray gabar aan aad u jeclaa. Waxaa jirtay gabar aan si fiican ugu amaanay anigoon iska yeelyeeleyn ciyaarta loo yaqaan Walawaleyda. Ereyadii faraha badnaa ee aan ku ammaanay gabadhaasi waxaa ka mid ahaa;

Malaa’ikteyda adaay ku soo maagtay
Gabaryahay adaay ku soo maagtay malaa’ikteyda
Maleeley macaaney malaas weyntii miyaa
Middii maalin iyo cawo murugteeda I haysi miyaa
Ma arkeysidaa is lahaay macaney ma iska miirneed
Anigoo maxbuus ku jira masruuf iney keento maro weyn I siisooyey
Mirihii jannaa tahay ayaan kugu mataalaa
Ar miyi iyo magaalo meel walba amaan kula muraadaa
Maya maya haddaad I tiraahidoo muddada beeneysid
Murug iima dhinnee muslin Alle ha ii yeelo
Maalintaan waxaan kugu ahay malag ku soo maagay
Adigoon maqsuud iiga ahayn meelna ku geyn mayo
Gabaryahay maqabiyo haddaan kaa dhigoo minika dhaafeynin
Makaan weyn haddaan kuu dhisoo meel fiicanna kuu yeelo
Wixiin maal adduunyo qabo haddaan midigta kaa saaro
Martidii madaxaaga ku timaad haddaan malab ku sooryeeyo
Intii mijiminkaaga iyo madax haddaan moxogga riiriixo
Iyo meel kaloon muuqaninoo lagama maarmaan eh
Gabaryahay mac waa la cunaa muruf waa la tufaa
Wixiin maceen mayeyaa leyska yiraahe
Gabaryahay majnuun amaan u noqdaa adiga madaxaada
Maxaa kuumaa dhaafaan ahoo maanka kuu yaala

Hooriskii

Adey ku soo maagtii gabaryahay malaa’igteyda
Maya iiga dhaafee marxabba keeney mayaa iiga dhaafee

Sidaan hore u sheegay xilliyadan jaceylkii I soo maray waxaan kaloo dartiisa u allifay heestii la magac baxday Makuu imaahaayi.

Waxaa sida badan dhacda in qofka markuu hawl ku takhasuso sida nolosha fanka oo kale, inkastoo hawluhu ay yihiin muhibo uu Alle kuu dhaliyo haddana waxaa jira shakhsiyaad si aad ah door muhiim ah ugu yeesha gacan ku dhiggidda xirfadda. Waxaan halkan ka xusayaa oo aan marna illaabi Karin laashimiin, abwaanno iyo fannaaniin kale oo qaybaha fanka ku caan ahaa oo iyaga gacan weyn ku lahaa in aan soo bandhigo awooddeydaa faneed sida;

* Laashin Yuusuf Diinle oo Tuulada Maguurto ku nool. Wuxuu xilligii soo shaac bixiddeyda wuxuu ahaa laashin wareega oo gobollada dhammaan mara isagoo la socda barbaar kale, sidaa darteed, wuxuu ii keeni jiray gabayada iwm.
* Fannaanka Cali Maliixaan oo iigu baraarujiyo in aan kooxda Kolklorka ka mid noqdo.
* Abgaal Saciid Riyaale.
* Qaasim Hilowle Qamiis oo igu dhirrigeliyay nolosha fannaanka oo aan ka soo baxo ka qayb galka aroosyada oo keliya
* Maxamed Nuur Akhyaar sidoo kale.
* Cumar Bare Barkaan (Alle ha u naxariistee) sidoo kale.
* Cabdulqaadir Cusmaan Calasow oo ka mid ahaa atoorayaashii riwaayadeyga.
* Sheekh Abuukar Axmed sidoo kale, inkastoo ay ahaayeen dadkii aan soo saaray haddana mar walba way iigu dhiirrigelin jireen.
* Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)
* Axmed Naaji Sacad oo asagana dhinaca sheenooyinka iga caawin jiray. Waxaa jirtay riwaayad uu asaga sameeyey oo aan u sameeyey laxanka oo la oran jiray Jaceyl Faqiir galay ma fududa.
* Faarax Siidow wuxuu door wax ku ool ah ku lahaa sida shareerada heesaha soomaaliga loogu cabbiro I baray.
* Waxaan ilaabi Karin Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Maareeyihii Wakaaladda Murtida iyo Maddadaalada.

Waxaan markii ugu horreysay guri galay oo xaas noqday sannadku markuu ahaa 1973kii. Wixii aan dhalay ilaa hadda waxaa dunida guudkeeda ku sugan wiil guri galay oo heysta 3 wiil. Anigu sideydaba ma ahayn ragga guurka badan. Wiilkeyga ma jecla fanka hase yeeshee wuxuu aad iyo aad uga helaa farsamada.


RIWAAYADDII WARBIXINTII JACEYLKA
Waxaa allifay Laashin Axmadey Cabdi Gaashaan

Hordhac

Riwaayadda la magac baxday WARBIXINTII JACEYLKA waxay xambaarsan tahay guud ahaan qisooyin isugu jira jaceyl, dhibaatooyinka dhaqammada qaarkood ay u leeyihiin bulshada iyo siyaasadba. Dhinaca dhaqanka waxay farta ku fiiqeysaa dhibaatooyinka uu keeni karo dhaqanka la xiriira nikaax sireedka, kaasoo haddii labada ku heshiisaa aan arrintooda wargelin qoysaska ay ka soo jeedaan keeni karta in ubadka sidaa ku dhashaa ay shaki badan abuuraan, gaar ahaan xaaladda ay Riwaayadda taabaneyso oo ah iyadoo odeygii dhisay guurkaasi uu ka dhoofay dalka, halka gabadhii la gashay guurkana ay geeriyootay ka hor intaan la caddeyn odeyga ka dhalay wiilka.

Dhinaca jaceylka, riwaayaddu waxay u taabaneysa laba siyaabood; waa marka horee waxay inoo sheegeysaa in jaceylku uusan ku xirneyn inta badan rabitaanka waalidka balse ay inta badan ku xiran tahay dooqa labada ruux ee is raba. Haddii arrintaa ay labada waalid tixgelin waayaanna ay dhibaatooyin kale keeni karto. Sida riwaayaddu arrintaa uga hadleyso marka aynu eegno, waa hooyo la dooneysa gabadheeda in uu guursado wiil ay dhashay walaasheed halka aabbuhu uu u xaglinayo wiilka walaashiis ay dhashay. Waxay sidoo kale ka hadlaysaa noocyada jacaylka sida jaceylka dhabta ah iyo kan xoolo raaca ku dhisan iyo dhibaatooyinka uu leeyahay.

DHAMAAD.




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Fowziya “ Dhalinyarada oo shaqo loo abuuro waa horumarka Dalka
26/11/2013
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUN
10/11/2013
SIMINAAR 6 MAALMOD SOCDAY OO MANTA LAGU SO GABAGABEYEY DAGMADA AFGOOYE
23/10/2013
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.