Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaaleyso diwaan gelinta arday ka faa’ideysaneysa deeqo waxbarasho oo laga helay dalka dibadiisa.
Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Cali Sheekh iyo agaasimaha waaxda tacliinta sare iyo daraasaadka dibada Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doonaan diiwaan gelinta imtixaan ay galayaan ardayda dhameysay dugsiyada sare si ay uga faa’ideystaan deeqo waxbarasho oo laga helay dalalka Suudaan iyo Yeman.
Agaasimaha imtixaanaadka Cali Sheekh ayaa xusay in Todobada Bishan ay bilaabayaan diwaan gelinta ardayda galeysa imtixaanka.
sidoo kale agaasimaha waaxda imtixaanaadka iyo daraasaadka dibadda ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradda ay diwaan gelineyso ardayda wadata shahaadooyinka ka sareeya 100- 80%, imtixaankana ay u qaadeyso si ay isku mid ah.
Wasaaradda waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare ayaa horay ugu guuleysatay in ay arday Soomaaliyeed u qaado wadamada Turkiga, Suudaan iyo Yeman kadib markii ay dowladda heshay minxooyin waxbarsho si ay ardayda Soomaaliyeed u helaan waxbarsho lacag la’aan ah.