Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa mar kale dib ugu soo laabtay deegaanka Buulalow oo qiyaastii 8 KM dhinaca galbeed ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib markii ay faarujiyeen xilligii ciidamada AMISOM iyo kuwa AMISOM ay soo gaareen degmada Afgooye.
Mas’uuliyiinta Xarakada Al Shabaab ayaa sida caadada u ah goobaha ay ka taliyaan waxa ay ka jeediyaan muxaadarooyin ay dadka ku dhiira gelinayaan in ay ka qeyb qaataan Jihaadka, iyadoo deegaanka Buulalow uu ka mid yahay goobaha muxaadarooyinkaas laga jeediyo.
Qof diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa Shabakadda AFGOI.NET u sheegay in deegaanka Buulalow ee degmada Afgooye ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, isagoo intaa raaciyey in deegaankaas uu weli ka jiro awaamiirta Xarakada Al Shabaab lagu yaqaanay.
Deegaanada xoogaa ka fog degmada Afgooye ayaa waxaa weli ka jira maamuladii Xarakada Al Shabaab kuwaas oo sidii horey u shaqeyn jireen haddana kaga shaqeeya deegaanadaas.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Afgooye 25-ka Bishii June ee isla sanadkan, waxaana ay sheegeen in ay la wareegeen degmada Afgooye iyo dhamaan deegaanada ku xeeran.