Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Maxaa loo colaadinayaa reer Afgooye?!!! Qeybtii 3-aad. Axmed Sh. Cismaan Suldaan.
08/07/2012

Anigoo ku raad jooga maqaalka, waxaan halkan uga sii gudbayaa waxyaabaha kaloo ku soo kordhay gobollada koonfureed, gaar ahaan Afgooye.

Dhamaadkii qarnigii 19aad iyo horaantii kii 20aadba waxaa dhulka Soomaalida muhiimad gaar ah uu u yeeshay dowladiuhii reer Yurub ee berigaasi uu baratanka uga dhexeeyay u kala hormarka kheyraadka caalamka intiisa kale, maadaama ay ayagu xagga farasamada casriga ah ku hormareen. Gaar ahaan gobollada koonfureed waxaa soo gaarayay saraakiil iyo Shirkado ka socday Dalka Taliyaaniga oo doonayey inay xiriir la sameystaan dadyowgii dhulka degganaa iyo hoggaanadooda, si ay u maalgashadaan, ugana faa''''''''''''''''idaystaan khayraadka Eebbe uu ku manaystay dhulkan, inkastoo markii dambe ay wajiyo kale la yimaadeen.

Shirkadihii ugu horeeyey ee dhulka yimid waxaa ka mid ahaa V. Filonardi Co. iyo Societa commerciale Italiana del Benadir oo ka socday dalka Taliyaaaniga, labadaba waxay wakiil ka ahaayeen oo ay matalayeen dawladdooda xag ganacsi iyo siyaasadba inkastoo ay ku soo kala horeeyeen wakaaladda dawladdooda.

Kuwaasi waxay heshiisyo la galeen dadkii hoggaanka u ahaa dadkii Soomaalida ee koonfurta, gaar ahaan Saladanaddii Galadiga ee ay xarunta u ahayd degmada Afgooye, kana arrimin jirtay waagaas inta badan dhulkii koonfureed.

Heshiiska wuxuu ku bilowday wax wada qabsi, oo ku aaddanaa inay shirkadahaasi ay maalgashadaan, hormariyaana ilaha dhaqaalle ee dhulku uu lahaa, suuq geyna u sameeyaan. Dhanka kalena ay horumarin ku sameeyaan dhulka, sida inay dhisaan Isbitaalo, Dugsiyo, Waddooyin iyo Isgaarsiin. Waxaa ka mid ahaa howlihii horumarineed ay bilaabeen Isbitaalkii iyo Dugsgii Martiini ( Ospedale e Scuola De Martino) ee Muqdisho, waddadii tareenka ee Muqdisho iyo Afgooye, Buundadii hore ee Afgooye ee ku burburtay intay socdeen dagaaladii labaad ee adduunka, Isbitaalka Afgooye iyo kuwa kale oo fara badan oo gobolladii koonfureed laga fulianayey.

Sanadkii 1922kii, boqorkii Taliyaaniga Vitorio Emanuelle lll wuxuu hoggaankii dawladda Taliyaaniga u dhiibay xisbigii fashiistada (Fascista ) ee uu hogaaminayey Benito Mussolini. Dawladdaasu waxay sanadkii 1923kii koonfurta dhulka Somaalida u soo magacawday Governatore oo ahaa nin lagu magacaabi jiray Cesare Mario de Vecchi, (Il quadrumviro Cesare M. De Vecchi, governatore della Somalia, inizia l’offensiva mirante a esautorare i sultanati somali per sostituirvi il dominio diretto italiano (l’eliminazione dei capi indigeni ). Ka dibna dawladdii fashiistada waxay baabi''''''''''''''''isay heshiisyadii wax wadaqabsiga ahaa, waxayna ku bedeshay nidaamkii gumaysiga ee kolkii dambe keenay in dadku laga dhex abuuro dad ka shaqeeya danaha gumaysiga. Taasoo lagu waday in dadka nidaamyadii ay ku dhaqmayeen laga baabi''''''''''''''''iyo, looguna bedelo nidaamyo cusub ee ka shaqeeya danaha gumaysiga, sida kaaba qabiilo iyo Cavaliere Coloniale yaal, iyadoo dadku lagu khasbay,kana hirgashay.

Waxaa halkaasi ka bilowday dumintii maamuladii soo jireenka ahaa ee dadku ay sameysteen, dhaxal galkana u ahaa, qarniyo badana layska soo dhaxlayey, kaasoo jiijba jiilka ka dambeeya uu u soo gudbiyay.

Haddaba waxyaabaha dhacay waxaa ka mid ahaa; in De Vecchi uu u soo bandhigay Suldaan Cusmaan in dawladda Fashiistada ay rabto in dadka mustacmarad la geliyo, Suldaankuna taas uu ka soo horjeestay, oo ka biya diiday. Ka dibna wuxuu u yeertay nin ka mid ahaa dadkii maalqabeenka ahaa ee waagaa laga yaqaanay gobollada koonfurta, oo lagu magacaabi jiray Aw Nuur Axmedow, wuxuuna ku yiri; Waa in Suldaan Cusmaan Balshafe la bedelaa, Adigana laguugu bedelaa, maxaa yeelay Suldaanku wuxuu ka hor yimid danaha dawladda Taliyaaniga, oo ah in dadka (colony) la saaro, sidaa daraadeed waa in la bedelaa, oo adigana aad ogoalaataa in dhulka Suldaan aad ka noqoto, oo danaha Taliyaaniga aad fulisaa. Intaa ka dib Aw Nuur Axmedow wuu diiday, wuxuuna De Vecchi ku yiri; halkan waxaa Suldaan ka ah Suldaan Cusmaan, anigana isaga ayaa suldaan ii ah, oo cid kaloo halkan Suldaan ka noqonayso ma jirto. Sidaasi ayeyna De Vecchi iyo Aw Nuur ku soo kala tageen, ka dibna waxaa bilaabatay khiyaamooyinkii iyo lug gooyooyinkii gumeysiga ee ahayd Divide e impera (divide and rule) ama qeybi oo xukun.

Haddaba sanadkii 1924kii waxaa xanuun ku soo booday Suldaan Cusmaan Balshafe, kaasoo isla sanadkaa dhexdiisana uu u geeriyooday.Taliyaanigana isagoo fursadaa ka faa''''''''''''''''idaysanaya wuxuu sii watay qaskii iyo faragelintii uu ku hayey dadka, si halkaasi uusan u imanin qof isaga danaihiisa ka hor imaanaya. Dadku waxay u diyaargaroobeen caleema saarka Suldaan cusub, kaasoo lagu waday wiilka ugu weynaa caruurtii Suldaanka uu ka tegey. Kaasoo ahaa mid Aabihiisa intuu xanuunsanaaba howlaha Saldanada sii waday, dadkana ay u arkayeen qof dhabihii Aabihiisa uu ku socday wax ku hoggaamin kara. Ka dib Taliyaanigii oo taasi ayagana sii ogaa, ayaa durbadiiba Wiilkii iyo dhowr qofood oo Odayaashii berigaa dalka arriminayey si kedis ah u wada qabtay, xabsi gaar ahna ku xeray, si qorshihii caleema saarka Suldaanka cusub ee socday uu u xagal daaciyo, oo maamulkii soo jireenka ahaa ee ay dadku lahaayeen uu meesha uga baxo, kuna bedesho kuwa kaloo isaga danihiisa ka shaqeeya.

Intaa ka dib waxaa bilowday qas iyo jahwareer, oo sahlay in dadka isticmaar la geliyo, gaar ahaan dhalinyarada, waxaana loo qeybiyay laba qeybood, kuwa inta khasab looga ka xeeyo magaalooyinka iyo tuulooyinka oo la dejiyo dhul beereedkii laga boobay dadka oo wabiyada jiinkooda ahaa oo beero waaweyn laga sameeyay iyo kuwa kaloo ciidan ahaan loo qoroay, loona diyaarinayey ku caburinta kacdoon ka yimaada gudaha iyo dagaal ay Taliyaanigu damacsanaayeen inay ku qabsadaan dalka Itoobiya. Taas oo markii dambena sanadkii 1936kii Talyaaniga uu ku qabsaday Itoobiya, boqorkii halkaasi xukumi jirayna Heile Sellasie uu magangeliyo ahaan u tegay dalka Ingiriiska.

Waxaa xaaladahaasi umadda la soo gudboonaday wax ka yiri qaar ka mid ahaa Laashimiintii waagaa, sida Laashin Abuukar Cusmaan oo yiri; DUGSIGII WAA DUMIYEENE------ YAA U DAAHAAYO DALKAAYNO.

Markii dhowr sanadood qaska iyo jahwareerka uu sii socdo, waxaa isagana wax ka yiri Laashin Sacdi Muumin, isagoo muujinaya xaaladda sida ay mareyso, wuxuuna yiri sidan; RUUNKAAN RAG MA JOOGO WAA LAYSLA RAFAADI------ RABBIYOOW RAXMAANOOW SEE NOOLA RABTAA?!

 

Saddex sanadood ka dib oo ay sii xeran yihiin ninkii lagu waday in suldaanimada loo caleema saaro iyo Odayaashiiba, waxaa dib isugu noqday intii kaloo ayagana Odayaal iyo Akhyaar ahayd ee ka badbaaday xabsiga Fashiistada Taliyaaniga (Fascista Italiano), si ay uga tashadaan dhibaatada dadka haysata iyo hoggaan la''''''''''''''''aanta dhulka ka jirta. Wada tashiyo iyo kullamo badan ka dib waxay go''''''''''''''''aamiyeen in wiilkii ugu yaraa wiillasha Suldaan Cusmaan la caleema saaro, si loo soo celiyo hoggaankii iyo kala dambeyntii umadda. Taasina way u hirgashay oo way ku guulaysteen Odayaashii iyagoo dadkooda kaashanaya. Sidaasi ayaana dhawr sanadood ka dib waxaa xabsiga laga soo daayey ninkii lagu waday inuu hoggaamiyo Saldanada iyo Odayaashiiba, haddana hal sanno lagu xukumay inaysan dhaafi karin meelo cayiman oo magaalada Muqdisho gudaheeda ah, sida xaafadda ay ka joogeen magaalada oo ahayd Boondheere iyo Masjidka Sheekh Cabdulqaadir, subax walba todobada ama hal saac aroornimona waxay iska xaadirin jireen xafiiska Governatore ha.

Kolkaa ka dib dadku waxay bilaabeen in dhaqankii Fashiistada (Fascista) ay ka hor yimaadaan, waxaana dhacdooyinkaa ka mid ahaa tii uu sameeyay nin la dhihi Aw Cabdulle Xaaji, oo dhacdadaa darteeda loogu magac daray (Dee-deeysamoow), markii gabar isaga uu dhalay si khasab ah looga kaxeeyay, lana geeyay beerihii waaweynaa ee (colony)ga. Isagoo taasi ka carooday ayuu maalintii dambe gadooday, wuxuuna weeraray dadkii uu is lahaa hawlihii Fashiistada ayey wax ka wadaan, markuu dadkaasi heli waayeyna, wuxuu bilaabay carra darteeda, in qof kastoo uu arkaba uu weeraro, waxaana maalintaa laga tiriyay suugaantan dheheysa; DEEDEEYSAMOOWGA MAXAAS DAREEMI----- INTII DOOMAALI DAD LEE DILAAYO. Isla markiiba waxaa taasina ka war helay ciidankii (colony)ga ee dhulka joogay, waxaana markiiba deg deg loogu soo diray laba askari oo ka mid ahaa ciidankaa, midna uu ahaa Taliyaani, midka kalena Eritrea. Halkaasina lagu dilay Aw Cabdulle Xaaji (Dee-deeysamoow), ka dib markay askartii uu suurageli weyday inay qabtaan oo ay xeraan.

Waxaa kaloo dhacdooyinka ka mid ahaa ayagana afar qofood oo uu ka mid ahaa Aw Cali Abiikar Kulmiye oo ka gadooday, amar lagu siiyay inay Bakaarahooda furaan, badarka ku jirana ay ku wareejiyaan maamulkii (colony)ga iyo Nin la dhihi jiray isagana aw Cabdi Ibraahim Sheegoow oo mindi ku weerary mid ka mid ahaa Taliyaanigii dhulka joogay, markii loo adkeysan waayey dhaqamadii (colony)ga.

Markuu qarxay dagaalkii labaad ee Adduunka, quwadhii reer Yurub ee gobolkan geeska Afrika iyo Bariga Afrika joogay waxay bilaabeen kala xulufaysi, taasina waxay sababtay in Ciidamadii Taliyaaniga iyo kuwii Ingiriiska ay ku dagaalamaan gobolkan, iyadoo kolkii dambena sanadkii 1941kii laga adkaaday, lagana qabsaday ciidamadii Taliyaaniga Koonfurta iyo galbeedka dhulka Soomaalida, Itoobiya iyo Eritrea. Suugaantii laga tiriyayna waxaa ka mid ahaa tan;

KIKUUY NINKII KEENI IYOO KABLOOW

MA KULULOO KAARA ARMAATIHIISA.

Taasi waxaa bedelay Maamulkii ciidamada Ingiriiska British Miltary Administration ee ka adkaaday Taliyaanigii, waxaana dhacday in maamulkaa uu joojiyo howlihii dhinaca horumarineed ee dhulka ka socday,gaar ahaan gobollada koonfureed ee dhulka soomalida, uuna qaatay wixii qalab horumarin ahaa ee Taliyaaniga dhulka uu kaga tegey. Sida Tareenkii isku xerayey Magaalooyinka Muqdisho-Afgooye, qalabkii is gaarsiinta (telegram) ee Muqdisho iyo Afgooye, iyo kuwa kaloo badan oo ay ka mid ahaayeen qalabkii beeraha.

Ciidamadaa Ingiriiska badankoodu waxay ahaayeen kuwa laga keenay mustacmaradihii Ingiriisku uu ku lahaa dhulkii laysku oran jiray British East African Colony ee ay ka mid ahaayeen Kenya, Uganda iyo Tanzania. Kuwaasi waxay la yimaadeen dhaqano fool xun oo aan dhulka laga aqoon, waxaana ka mid ahaa, xoolaha oo ay xaafadaha ruulooyinka ka soo qabsan jireen, gaar ahaan Idaha iyo Digaagga, Haweenkana intay waddooyinka u istaagaan ayey dhibaateyn jireen. Dhibaatooyinkaa waxaa looga dacwooday madaxdii maamulka Ingiriiska, waxna way ka qaban waayeen, ilaa ay markii dambe gaareen inay dadka ku yiraahdaan ciidamadeena waxay u baahan yihiin haween, waana in loo helaa haween jirkooda ka ganacsada.

Ayadoo dhaqamadooda xumaa qaar ka mid ah la tilmaamayana waxaa suugaantii laga tiriyay ka mid ahaa sidan;

DALKA WAXAA SOO DEGAY DAAL FARUUR

MA DEEYAAN DOORADA WAA DAFAAN. iyo kuwa kaloo aan la soo koobi karin.

Intaa ka dib dadkii waxay ka tashadeen sidii laga yeeli lahaa ciidamadaa falalka xun xun ay dadka kula kacayeen, ayadoo la go"aansaday in layska dhiciyo, waxaana dhacday maalin maalmaha ka mid ah in askar ka mid ahayd ciidankii dhulka joogay ay isku dayeen inay haween ku xad gudbaan, ayagoo suuqa ka adeeganaya, ka dibna waxaa halkaasi iska hor imaad ku dhex maray dadkii suuqa joogay iyo askartii, halkaasna looga adkaaday askarta, hubkoodana looga furtay. Waxaa kaloo isla maalintaas gudaheeda ayadana ka dhacay xaafadda Irridda koraad (Ceel qode) iska hor imaad kale oo kaa la mid ahaa, oo isgana lagaga qabsaday laba askari oo ciidankii Ingiriiska ka mid ahaa. Isla markiibana waxaa halkaasi soo gaaray madaxdii maamulka Ingiriiska ee degmada markay maqleen waxa meelahaa ka dhacay, waxayna dalbadeen In akhayaartii dhulka ka arriminaysay ay la kulmaan, waxaana lagu heshiiyay oo lagu ballamay in dhacdooyinkaas oo kale aysan mar kale soo noqonin, oo laga nabad galo ciidamadii Ingiriiska.

Taasna way hirgashay ilaa iyo laga soo gaaro sanadkii sanadkii 1949 kii kolkii maamulkii Ingiriiska uu talada ku wareejiyay Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (A.F.I.S) Maamulkii wasaayada Taliyaaniga oo qaramada midoobay ay dhulka u soo magacawday.

Marka dadka mar waliba oo ay dhibaatooyin la soo darsaan waxay uga bixi jireen wada tashi iyo isku duubni, sida aan hore ugu soo tilmaamayba maqaalka qeybihiisa hore, haddana waxaan filayayaa in dadka hadda jooga ay la gudboon tahay inay maraan wadiiqooyinkii kuwii ka horeeyay ay u soo jeexeen, ugana guulaysteen ka gudbidda dhibaatooyinkii soo maray, ayagoo ka faa''''''''''''''''idaysanaya qoolkii ILAAHOODA oo ahaa;

1-WALAA TANAAZACUU FATAFSHALUU WA TADHABA RIIXUKUM...

2-WACTASIMUU BI XABLILLAAHI JAMIICAN WALAA TAFARAQUU WADKURUU NECMTALLAAHI

CALAYKUM...

Way socotaa...

 

Axmed Sh. Cismaan Sh. Axmed Suldaan.

Balshafe@gmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Fowziya “ Dhalinyarada oo shaqo loo abuuro waa horumarka Dalka
26/11/2013
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUN
10/11/2013
SIMINAAR 6 MAALMOD SOCDAY OO MANTA LAGU SO GABAGABEYEY DAGMADA AFGOOYE
23/10/2013
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.