Afhayeenka Cusub ee Amisom oo markii ugu horeysay ka hadlay howlgalada Amisom. 12/07/2012
 Waxaa maanta hadal kooban saxaafadda siiyay afhayeenka cusub ee Amisom Col.Cali Aadan Xaamud oo u dhashay Dalka Jamhuuriyadda Jibuuto maalmo kahorna looo magacaabay xilka afhayeenka Ciidamada nabad Ilaalinta Amisom.
kadib markii shalay ciidmada XDS iyo kuwa Amisom ay la wareegeen deeganka Laanta buuro iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa arintaasi ka hadlay afhayeenka cusub ee ciidamada Amisom Col Cali Aadan.
Afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan ayaa sheegay in howl galkii shalay uu si wanaagsan ku dhamaaday, isagoo xusay in Ciidamada ay horay uga gudbeen degmada Afgooy ilaa 30-K.M. iyagoo la wareegay Laanta buuro.
Waa markii ugu horeysay Afhayeenka afka Somaliga ku hadlayo uu ka hadalo howlgalada Amisom,wuxuuna imanayaa warsaxaafadedkaan uu siiyay saxaafadda kadib markii shalay dagaal la isku galabsaday uu ka dhacay Duleedka degmada Afgooye.
Col. Cali Aadan wuxuu saxafadda si kooban ugu sheegay “si guul ah ayu ku dhamaaday, howlgalka milateri ee shalay ka dhacay Shabellaha Hoose, qorshuhuna waxaa weeye inaan hore u sii soconno”ayuu yiri Col. Cali Aadan. “
| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|