Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare ee xukumada KMG Soomaaliya ayaa manta bilowday qeybinta shahaadooyin cusub iyadoo arday badani ay ka faa’iideysteen.
Shahaadooyinkan ay maanta wasaaradda waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya gudoonsiisay qaar ka mid ah ardeyda dhameeysatay dugsiyadda nidaamiga ah ee heerkoodu sare yahay.
Wasaaradda ayaa ka hor bixinta shahaadada waxa ay kala wareegtay oo ay baaritaan ku sameeysay shahaadooyin ay ardaydaasi ka soo qaateen dugsiyadii ay ka soo bexeen oo hoos taga deledaha waxbarashadda,waxaana ay ugu bedeleen shahaadada ay wasaaradda soo saartay oo ah shahaado dugsiyadeed iyo mid jaamacadba aan horay uga soo bixin dalka wixii maanta ka horeeyay oo ay noqoneyso shahaadada mudo 22-sano kadib markii ugu horeysay oo ay shahaado bixiso wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare.
Agaasimaha waaxda imtixaanada ahna ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda Abuu Cali Xaamud ayaa ka waramay shahaadada ardayda ay siiyeen qiimaha ay leedahahay iyo in ay tahay mid aan laga been abuuran Karin oo ay ku shaqeyneyso aaladaha casriga ee caalamku isticmaalo
‘Een Shahaadadani waa mid aan laga been abuuri Karin oo aan la daabacan kari waayo aad ayaan uga taxadirnay waxaana ay leedahay hab ka duwan kuwii horay dalka uga jiray ee lagu daabici jiray suuqyada’ ayuu yiri Abuu Cali Xaamud
Sidoo kale Qaar ka mid ah ardaydii qaadatahay shahadadadani ay soo saartay dowlada Soomaaliya ayaa ka waramaya dareenkooda maadama maanta ay heleen shahaado dowladeed.
Si kastaba ha ahaatee shahaadooyinkani ay soo saartay wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ay xadidi doonaan isticmaalka shahadooyinka been aburka ah ee lagu farsameeyo goobo suuq madoow ah oo si qarsoodi ah loogu kala iibsado gudaha dalka.