Waxaa markii ugu horeeysay qeylo dhaan ka soo yeertay maamulka dugsiga sare ee degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay ciidamada dowlada fariisin ka dhigteen tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Afgooye .
Maamule Ustaad Ismaaciil iyo maamule ku xigeenka dugsiga Macalin Yaasiin ayaa si wadajir ah ugu codsaday maamulka degmada iyo kan gobalka in ay ka raraan ciidamada deegaansaday xarunta dugsiga maadaama ay tahay xarun ka caagan ciidamada waxna ay ku baran jireen arday ka badan 350 arday oo isugu jiray gabdho iyo wiilal.
Dugsigan ayaa ah dugsi bulshada degmada Afgooye ay ku dhiseen iskaa wax u qabso xiligii dowladii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyadoo arinkan ayaa ku soo beegmaya xili ay furmeen inta badan iskuulada gobalka Shabelaha Hoose.